Maanata oo ay Bishu ahayd Bisha Abriil 24, 2011 waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota carriga Maraykanka lagu qabtay shir muhiim ah oy isugu yimaadeen shuccubbta ka soo horjeeda cadaadiska iyo gumaysiga Wayaanaha. Shirkan oo ahaa mid si habsami ah loo soo qorsheeyey ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin kala matalayey qaybaha Shucuubta Itoobiya iyo ururadooda ka soo horjeeda Maamulka Kalitaliska ah ee xasuuqa ku haya shacuubta dulman. Shirka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala matalayey ururada:

  1. ONLF,
  2. OLF,
  3. Genbot 7,
  4. Knijit,
  5. EPRP,
  6. Anuak Peoples Movement.

Kulankan oo ahaa mid heer Jaaliyadeed oo ka bilowday Dalka Maraykanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii wada-shaqayn iyo midnimo dhexmarta qaybaha ay kala matalayeen madaxda isgu timid shirka loo taaba galin lahaa.

Intii ka dambaysay Banaanbaxyadii lagaga soo horjeeday faragalinta maamulka xaqdarada ku dhisan ee ay hogaamiso TPLF uu kula kacay Jaliyadaha Dibada ayaa waxaa si xawli ah kor ugu kacay dareenka ah in la soo gaadhay xilligii la soo afjari lahaa kala qaybsanaanta shucuubta iyo “Qawmiyad Tooxsiga” si la’isaga kaashado ka hortagga dulmiga iyo cadaadiska iyo gumaysiga Wayaanaha.  

Hadaba, waxaa kulankan lagu magacaabay Shan-xubnood oo masuuliyada isku xidhnaanta, wadashaqaynta, iyo midnimada Qawmiyadahan loogu tala galay. Gudigan ayaa soo diyaarin doona Qorshaha Istraatijayada talaabooyinka xiga ee la qaadi doono Banaanbaxyadi ka dib. Waxaa sidoo kale laysku raacay in laga wada shaqeeyo lix arimood:

  1. In si wada jir ah looga hortago khayaamooyinka ay maleegayso Xukumada uu hogaam iyo Kaligii Taliye Melez Senawi.
  2. In si wada jir ah loogu wada ololeeyo sidii looga dhaadhicin lahaa Dawlada Maraykanka inaysan taageerin Xukumada ay hogaamiso TPLF ee ay taageerto Shacbiga dulman.
  3. In si wada jir ah looga wada shaqeeyo soo bandhigida tactiyada iyo dulmiga Xukumada EPRDF.
  4. In lays dhaafsado xogaha muhiimka ah eek u saabsab khayaamooyinka iyo gol’jilicda cadawga.
  5. In si wadajara laysiga caawiyo wakhtiyada uu cadawgu uu Qawmiyadqawmiyad dagaal ku wajahan ee aan la odhan waxaa loo dan leeyahay qawmiyad hebla.
  6. In si wadajira looga wada qayb qaato Banaanbaxyada dhanka ka ah Xukumada cabudhiska iyo Qoriga caaradiisa ku dhisan.

Ugu dambayn waxaa laysla gartay in kulanka xiga wakhtigiisa iyo goobta ay soo qabanqaabsio Jaaliyada Ogaadeenya oo ahayd tii marti galisay kulanka  dhacay maanta.

 ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay