Badaw carbeed oo budhcad ah ah ayaa la soo xaqiijiyay inay ka mushtaraan dadka qaxootiga ah jidhkooda. Filim iyo warbixin arintaa ka xogwaramaya ayay CNN soo bandhigtay. Qaxootigan oo ah kuwa iska bixin kari waaya lacagaha faraha badanee laga dalbo si loo geeyo Israaiil ayaa meydkooda laga soo qufay saxaraha Sinaa iyagoo lagala baxay qaybaha muhiimka ah jidhkooda sida kalyaha iyo beerka.

Qabiilka Badwada ah ee Sawarka oo daga Sinaa ayaa arimahaa ku shaqaysta iyagoo ka iibsada jidhka ay kala baxaan qaxootiga maafiya Yuhuud ah oo ka dibna Israaiil u iibgeeya.

Waxaa arintan fashiliyay ninka u ololeeya ka hortagga dambigan bahalnimada ah Hamdy Al-Azazi oo soo bandhigay sawiro naxdin leh oo muujinaya dad inta la dilay lagala baxay jidhkooda qaybaha muhiimka ah ka dibna la tulay oo lagu aasay saxaaraha Sinai.

Sheekada oo dhamaystiran iyo filim naxdin leh(English)

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay