Warar sugan oo anaga soo gaadhaya Magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Ethiopia ayaa sheegaya in ay xukuumada wayaanuhu gudaha wadanka kasoo jisay adeegsigii shirkadaha Facebook, Twitter iyo YouTube. Sida warka aan kuhelay Wasaarada Isgaadhsiinta Ee Xukuumada wayaanaha ayaa joojisay adeegsiga shirkadaha aan kor magacooda kusoo xusnay.

Joojinta baraha bulshada ee Facebook, Twitter iyo YouTube ayaa muujinaya khalkhalka siyaasadeed ee sida mowjadii ugu uga dhex dilaacay xukuumada TPLF ee mudada dheer kudhisnayd cadaalad darada iyo cabudhiska.

Dadka arimaha siyaasada Itoobiya ka faalooda ayaa sheegaya in joojinta baraha bulshada ay kaliftay xukuumada op xakamayn wayday kacdoonadii shacabka iyo sirtii dowladaba waxayna xukuumadu shaki kaqabtaa in ay baraha bulshadu qayb way ka qaataan isu gudbinta hadba arimaha jira ee bulshadu danaynayso.

Dhinaca kale ururada bulshada ayaa sikulul u cambaareeyay falkan ay xukuumadu kudhaqaaq day waxayna ururada bulshadu sheegayaan in ayna joojinta baraha bulshadu Waxba kabadalaynin qaskii ka dhex jiray hay’adaha dowlada.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada TPLF ayaa hada ku jiho wareertay arimaha qasan oo ay maarayn u la’dahay waxayna aamintay in ay arimahan kadambeeyaan dad ka aqoon iyo karti badan iyaga.

ONA

Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay