Ciidamada Amaanka ee gobalka Louisiana ayaa xidh xidhay dad gaaraya 100 qof oo ka qeyb qaadanayey banaanbaxyo looga soo horjeedo dilalka Booliiska Maraykanka u gaysto dadka madowga ah. Banaanbaxyada looga soo horjeedo xad gudubka Booliska Maraykanka kuhayo dadka madowga ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.

Mudaharaadyadan ayaa bilowday kadib dil loogaystay labo nin oo madow ah oo asbuucii lasoo dhaafay ka kala dhacay gobalada Louisiana iyo Minnesota. Waxaa arrintaasi xigtay weerarkii lagu dilay 5 kamid ah askarta booliiska ee magaalada Dallas, kuwaasi oo uu dilay nin madow ah oo ka cadhaysnaa labadii nin oo ay booliiska dileen.

Dhaq dhaqaaqa labaxay Black Lives Matter (BLM) oo u badan dhalinyaro ayaa iyagu soo abaabula banaanbaxyada looga soo horjeedo dambiyada ay geystaan Booliiska, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay taageero xoogleh ka helayey shacabka Madowga Maraykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay