Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia, ayaa isaga baxay  degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ay isla markiiba la wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka DF Somalia iyo kuwa AMISOM ayaan weli arrintaan ka hadlin, laakiin Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur-galbeed Somalia, C/fataax Ibraahim [Geesey] ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay ka bixitaanka ay maanta Magaalada Marko ka baxeen Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

“Way jirtaa in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay Maanta isaga baxeen Magaalada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayna Al-shabaab si buuxda ula wareegtay,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur-galbeeed VOA-da u sheegay.

Sidoo kale, C/fataax Geeseey ayaa intaas ku daray inaysan illaa hadda waxba ka garanayn sababta ay Ciidanka Dowladda Soomaaliya uga bexeen Magaaladaas, Taasoo uu xusay inay marar badan dhacday, ayna ka geysatay Al-shabaab dhibaatooyin kala duwan.

Magaaalada Marko ayay sidan oo kale Sanadkii hore uga baxeen, iyadoo ay lawareegtay Al-shabaab, inkastoo AMISOM ay gadaal ka beenisay inay ka baxday degmadaas oo ay weli gacanta ku hayaan.

Ugu dambeyn, Ka bixitaanka Ciidamadaan Isbahaysanaya ee Magaalada Marko, ayaa Waxay kusoo beegmaysaa; iyadoo ay Al-shabaab weerar khasaare badan geystay ku qaadday Saldhigga Ciidamada Dowladda Somalia ee deegaanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay