War dag dag ah oo hada naga soo gaadhay magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in uu hada dagaal culus kasocdo gudaha Jaamacada Gonder, warkan oo ah mid hor dhac ah ayaa sheegaya in ay gudaha Jaamacada isku farasaareen labo garab oo kamid ah ardaydii Jaamacada kuwaas oo isu qabay colaad gaamurtay.

Sida warku sheegayo arday ukala dhalatay qoomiyadaha Axmaarada iyo Tigrey oo wada dhigata Jaamacada Gonder ayuu hada dhex marayaa dagaal culus oo gacanta laysula tagay.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in uu markii hore kubilowday dhagax iyo mindiyo hase yeeshee hada wuxuu dagaalku isu badalay mid laysu adeegsanayo hubka darandooriga u dhaca sida qoriga AK 47 iyo bastoolado, Xogta aan hada kahelayno dagaalka udhaxeeya ardayda Axmaarada iyo Tigrey ayaa sheegaysa in uu jiro khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka arimahan lasocday ayaa sheegaya in uu dagaalkan ahaa mid la filayay sababtoo ah ardayda labada qoomiyadood ayaa la ogyahay in ay colaad gaamurtay u dhaxayso.

Arinta la iswaydiinayo ayaa ah waxa hubka laysku laayay keenay Jaamacada dhexdeeda balse waxaan ka dharagsanahay is aamin darada kajirta qoomiyadaha kala gadisan ee Itoobiya waxaana lasheegayaa in ay ardaydu mar hore hubkooda kusii diyaariyeen gudaha Jaamacada.

Ciidanka amaanka oo aad u habcsan ayaa lagusoo waramayaa in ay isku dayeen in ay dagaalka damiyaan hase yeeshee waxay ugali waayeen hanqadhka rasaasta kasocota gudaha Jaamacada.

Lasoco wixii war ah ee arintan kasoo kordha.

Hooska Daawo Sawirada

13668971_1220706097962228_6302651995210353193_n13626966_1220706134628891_5163542094067880588_n13626351_1220706061295565_1302642825537213002_n13620369_1220706041295567_7036217452364694604_n13681056_1220706111295560_2127156462812603592_n


 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay