Wadanka Kuuriyada Waqooyiga ayaa digniin kasoo saartay qorshe Maraykanka uu ku doonayo inuu dalka Kuuriyada Koonfureed uu ku rakibo gantaalada casriga ah difaaca hubka culus.

Qalabkan Gantaalada difaaca oo loo yaqaan THAAD ayaa ah mid soo ridi kara noocyada kala duwan ee gantaalada, waxayna dalalka xulafada ah ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku heshiiyeen in mashruucan la dhaqan geliyo dhamaadka sanadka soo socda. Qoraal kasoo baxay xukuumada Pyongyang ayaa lagu sheegay in Kuuriyada Waqooyi tilaabo adag ka qaadi doono dalka ay jaarka yihiin hadii hubkaasi Maraykanka lakeeno.

Diidmada keenista hubkan casriga ah kuma koobna Kuuriyada Waqooyi oo kaliya, dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa Maraykanka uga digay inuu hubkaasi keeno kuuriyada Koonfureed, waxayna ku tilmaameen in arrintaasi ay khal khal gelin karto amniga gobalkaasi. Sidoo kale shacabka Kuuriyada Koonfureed ayaa qaarkood kasoo horjeeda in hubkaasi dalkooda la keeno iyagoo ka cabsi qaba xiisada hada ka dhex taagan labada Kuuriya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay