Taniyo shalay waxaa ka socday magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada Mudaaharaad aad u balaadhan oo lagaga soo horjeeday Gumaysiga Itoobiya. Mudaaharaadkan ayaa wuxuu sababay khasaaro aad u farabadan waxaa la laayay askar  Itoobiyaan ah waxaana hubaysnaa ardayda badankooda.

Dhanka kale dhalinyaro cadhaysan ayaa gubay gawaadhi kala duwan, waxaana kamida ahaa gaadiidka dabka laqabadsiiyay bas ay lahayd Shirkada Salaam ee Tigrey gu leeyahay. Shacabkii mudaaharaadayay ayaa dhagaxaan ku daadiyay wadooyinka waawayn ee Gonder, waxaana xidhan dhamaan jidadka magaalada Gonder.

Dhanka kale waxay ardaydu lawareegeen dhamaan magaalada Gondar oo idil, ciidan gumaysiga Itoobiya ayaa isku dayaya asagoo wata gawaadhida gaashaaman inuu cabudhiyo dhalinyaradan gadoodsan ee wada mudaaharaadyada waxaa ladilay ciidan kamida kuwa gumaysiga Itoobiya, sidoo kale waxaa dhintay qaar kamida ardaydii iska caabiyay gumaysiga oo isugu jiray Axmaaro iyo Tigrey.

Itoobiya ayaa guud ahaan waxay gashay xaalad kacsan oo lasaadaalin karin mustaq balkeeda Qawmiyada Oromada ayaa 9 bilood wada banaanbaxyo waawayn oo dhimasho iyo dhaawacba keenay. Sidoo kale qawmiyadaha kalee Itoobiya sida Axmaarada ayaa kacdoon culus wata.  Qawmiyada Canfarta ayaa ayaduna sidoo kale waxay wadaan kacdoon iyo mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan xukuumada daalin ee gumaysiga Itoobiya.

Hadaba Hoos ka Daawo  xaalada magaalada iyo mudaaharaad yadaba kasocda Gonder.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay