Shirweynaha 21aad ee Jaaliyadaha Ogadenya- Minnesota 26-28 August 2016

Shirweynaha Jaaliyadaha Ogadenya ee heer caalami oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa sanadkan 2016 marti galisay qaarada W/America siiba wadanka Maraykanka halkaas oo lagu qaban doono magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota inta u dhaxaysa 26-28 August 2016.

Shirweynahan oo ah kii 21aad ee jaaliyadaha Ogadenya ayaa waxa kasoo qayb gala ama wufuud usoo dirsada jaaliyadaha Ogadenya ee caalamka oo dhan waxaa sidoo kale ka soo qayb gala madax ka tirsan masuuliyiinta u saraysa Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenya(JWXO) iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka kolba wadanka lagu qabanayo iyo kuwo soomaaliyed ba.

Jaaliyada marti galinaysa shirweynahan 21aad  ayaa dhammaan jaaliyadaha Ogadenya iyo kasoo qayb galayaasha kusoo dhaweynaysa gacmo furan  iyo soo dhaweyn diiran oo mudnaan doonta ku dayasho.

-Wadanka-United State Of America

-State-Minnesota

-Magaalada- Minneapolis

-Goobta-3055 Old highway 8 ste 11 85 A

Saint Anthony Mn 55418 Ogaden Community of USA

———————-               ——————————

Wixii macluumaad dheeri ah kala Xidhiidh

1-Cabdinaasir Axmed Tlf.+16122459385

2-Mowlid Geele Tlf.+16127353131

3-Cabdifataax Kaariye Tlf.+19529943131

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay