Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ayaa dacwad kadhan ah taliska Djabuti Ismaaciil Cumar Geelle ugudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (QM). Dacwadan ka dhanka ah Ismaaciil Cumar Geele oo maalintii shalay ahayd la gudbiyay ayay maxkamadu kaga andacoonaysaa amardiido uu MR Geelle kusameeyay maxkamada iyo dacwad laxidhiidha dhinaca xuquuqda aadamaha oo uu ku xadgudbay sida lagu sheegay dacwada.

Wargays kasoo baxa wadanka China oo lagu magacaabo Chana News Agency ayaa bogiisa hore saaka kusoo qoray in uu Mr Geelle bartilmaameed u noqday maxkamada caalamiga ah ee ICC-da. Sida uu wargaysku qormadiisa kusheegay Mr Geele ayaa loohaystaa xadgudubyo uu u gaystay dadka mucaaradka ku ah ee taageera xisbiyada mucaaradka. Wargayska oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in bishii Disembar ee sanadkii tagay uu ismaaciil Cumar Geele kudilay wadanka Djabuuti 19 qof oo kamid ah dadka mucaaradka ah wuxuu wargaysku sheegay in ay dadkaas ku jirtay gabadh 6 jir ah.

Sidoo kale Wargayska ayaa soo xigtay qaar kamid ah mucaaradka Jabuuti oo cabashooyin aad ubadan kasoo jeediya gacanta birta ah oo uu Mr Geelle kuhayo shacabka ree Jabuuti, dhinaca kale Wargayska ayaa qormadiisa sii raaciyay in uu geelle si xoog ah ugu guulaystay 4 xili doorasho waa sida ay maxkamada ICC du sheegtay e.

Sidoo kale cabashada ka dhanka ah xukunka kulul ee geelle ayaa lagu sheegay in ayna shacabka Jabuuti daremaynin wax xornimo ah waxayna shacabku codkooda udhiibtaan si cabsi leh ayaa qormadan lagu yidhi, dacwadan Mr Geelle ka dhanka ah ayaa lagu sheegay in si xoog ah uu doorashadii ugu dambaysay kutagay kursiga. Wargayska Chana News Agency oo qormadiisa aad ugu dheeraaday ayaa ka dhawaajiyay in ay dadka ree Jabuuti ubaahan yihiin xoriyatul qowl iyo in ay si cabsi la’aan ah u doortaan qofka ay rabaan.

Dacwada ay gudbisay maxkamada ICC ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu Mr Geelle iska dhagatiray amarkii maxkamada ee ahaa in lasoo xidho madaxwaynaha wadanka Sudan Cumar Xassan al-bashiir sidoo kale maxkamada ayaa geelle u haysata in uu u ololaynayo in ay wadamada Africa iskaga baxaan heshiiskii maxkamada ICC kaas oo wadamada sixiixay ay Jabuuti kamid ahayd, dhinaca kale Ismaaciil Cumar Geele ayaa lasheegayaa in uu cabsi kaqabo in lagusoo oogo dacwad kadhan ah xuquuqda aadamaha Waana sababta uu geelle ugu ololaynayo kabixitaanka heshiiska maxkamada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay