Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa waxaa gaadhay wafdi ka socday Midowga Afrika (AU), kuwaasi oo lasheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan habka ay doorashada uga dhacayso dalka Somaliya.

Waxa ay ka kobnaayeen wafdiga  gaadhay Muqdisho afar xubnood waxayna u kuurgeli doonaan sida loogu diyaar garoobayo doorashooyinka iyo meelaha u baahan in laga caawiyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Olabisi Dare oo ah madaxa wafdiga ka socday Midowga Afrika ayaa sheegay in ay booqashadoodu ay laxidhiidho in ay dhageystaan dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin AMISOM iyo weliba xafiiska tageerada howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.

Wafdiga  ayaa waxay la kulmeen wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeire, raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

Si kastab aha ahaatee wafdigan ayaa lagu wadaa in sidoo kale ay la kulmaan madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo qeybaha bulshada, waxa ayna kala hadli donaan hanaanka doorashooyinka la filayo in ay ka dhacdo dalka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay