Wararka naga soo gaadhaya Gobolada Tigrey iyo Axmaarada ee woqooyiga wadanka Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo culus oo kadhacay meelo katirsan labadan gobol. Sida warku sheegayo dagaaladan ayaa udhaxeeya ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo jabhadaha kadagaalama Gobolada Tigreega iyo Xabashida.

Dagaaladan udambeeyay ayaa lagusoo waramayaa in si aad ah loogaga gacan sareeyay ciidanka wayaanaha oo sanadadii udambeeyayba aad uniyad jabsanaa waxaana lagu soo waramayaa in la arkay boqolaal maydad ah oo
laga laayay ciidanka gumaysiga ee kusugnaa deegaamadan.

Ilo-wareedyo kusugan woqooyiga Itoobiya ayaa soo tabinaya in jabhada Gimbot 7 Arbanyoj ee kadagaalanta Gobolka
Axmaarada ay todobaadkan qaaday dagaalo culus oo ay lagaleen ciidanka wayaanaha oo bilihii ugu dambeeyay ay soo food saartay mushaar iyo dawo la’aan iyo waliba cabsi xoogan oo kaga timid dhinaca wadanka Eritarea iyo jabhadaha hubaysan.

Sidoo kale Jabhada TPDM oo kadagaalanta Gobolka Tigrey ayaa bilihii lasoo dhaafay waday car car dagaal oo culus
kaas oo ay ku beegsanayeen fadhiisimaha ciidanka gumaysiga ee kusugan Gobolka Tigrey kuwaas oo ah kuwa ugu cabsida badan xiligan kadib colaada ka aloosan labada xukuumadood ee Casmara io Addis Ababa, waxayna jabhada TPDM qaaday weeraro taariikhi ah oo ujeedada laga leeyahay aytahay in lagu xoreeyo Gobolka Tigrey.

Sida aan lawada socono waxaa maalinba maalinta ka dambaysa kasii daraya xaalada Siyaasadeed, dhaqaale iyo amaan ee guud ahaan wadanka Itoobiya waxaana jira kacdoono shacab oo inta badan kasocda dhulka ay xukuumada
TPLF gumaysato sida Oromia, Amhara, Gambela, Tigrey iyo Gobolka Canfarta waxayna xukuumada wayaanuhu kuguul daraysatay in ay hakiso kacdoonada shacabka oo sida daadka usocda.

Dhinaca kale wadanka Ogadenia oo mudo kabadan 25 sano ay xabad kasocotay ayaa umuuqda mid ay ciidamada
gumaysigu kaniyad jabeen ubabac dhiga xaqlayaasha hubka uqaatay in ay gacanta shacabka kusoo celiyaan dhulka Ogadenia oo kamid ah wadamada aan waligood xornimo helin.

Sikastaba ha ahaatee dagaalada culus ee hada kasocda woqooyiga Itoobiya ayaa ceel kusii ridaya rajadii laga qabay in ay dagaaladu yaraadaan waxayna ciidanka gumaysigu awalba quus kataagnaayeen dagaalada aan dhamaadka lahayn ee mudada rubuc qarniga ah kasocda Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay