Wadanka Turkigu waxay sheegeen in ay doonayaan in ay calaaqaad wanaagsan la samaystaan wadanka Suuriya, waana dadaalkii u dambeeyay ee Turkigu ay ku doonayaan in ay ku hagaajiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka dariska ah.

Turkiga oo markii hore taageerayay sidii xilka looga tuuri lahaa madaxwayne Bashaar Al-Asad ayaa mawqifkiisii badalay. Warbaahinta gobolku waxay tabiyeen in dubmalamaasiyiin Turkiga iyo Siiriyaan ah ay yeesheen wada xaajod maalmihii lasoo dhaafay.

Dalka Turkiga ayaa dhawaan hagaajiyay calaaqaadkii uu la lahaa dalka Ruushka, kaddib markii ay isugu dhaceen diyaarad uu Ruushku lahaa oo Turkigu soo rideen. Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaase dhawaan raaligalin ka bixiyay dhacdadaas, taasoo xoojisay calaaqaadkii labada dal.

Ruushka oo raaligalintaas aqbalay ayaana amray in laqaado xayiraadihii ay saareen. Xayiraadahaas waxaa kamid ahaa in dadka Ruushka ah aysan dalxiis u tagin Turkiga balse hadda waa loo fasaxay. Ammaanka dalka Turkiga ayaa sii xumaanayay muddooyinkii dambe, qaraxyo ka dhacay ayaana dad badan laayay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay