Warbixin uu soo gaadhsiiyay Wariyaha ONA uga soo warama wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in tacadiyo kala duwan oo ciidanka wayaanuhu ugaysteen shacabka S.ogadenia ee kudhaqan wadanka Ogadenia.

Warkan ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 22/6/16 Dagmada Qabridahare lagu soo xidhay dad badan oo laga soo qaqabtay Tuulada Cadalay waxaana magacooda helay muwaadiniintan hoos ku xusan oo kala ah sidan:-
1 Cadaani Tuuladiid
2 Kurbad Maxamad Macalin
3 Deeq Xassan Rashiir
4 Cumar Cali Mahad
5 muxumad Ibraahin Maxamuud.
Sadexda nin ee hore waxaa lagu xukumay 2 ilaa 3 sano oo xadhig ah.

Sidoo kale markay taariikhdu ahayd 24/6/16 ayaa isla tuulada Cadalay oo Qabridahare katirsan lagu xidh xidhay dad aad ubadan oo ay kamid yihiin sadexdan muwaadin oo kala ah Faarax cali baynax, Shaafici Bare Aftaag iyo Daahir cabdi xirsi. Waxaa kaloo jira dad wali magacyadooda aanaan helin oo iyagana lasoo xidhay, dhamaan dadkan ayaa
loohaystaa dad ay qaraabo yihiin oo kumaqan wadanka dibadiisa.

Waxaa kaloo uu warku intaas ku darayaa in 27/6/16 Tuulada Caleen oo Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay katirsan ay ciidanka nacabka ah ee gumaysigu ku dileen Allaha unaxariistee nin shacab ah oo lagu magacaabo Xuseen Aadan rooble Foolay oo 75 jir ah.

Dhinaca kale markay taariikhdu ahayd 28/6/16 Dagmada Gaashaamo ee Gobolka Jarar waxay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen Odayaal kor udhaafaya 75 oday oo ay kujiraan kuwo deegaanka caan ka ah.

Isla taariikhdan 28/6/16 ayaa Tuulada Goomaar oo Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen dad shacab ah oo 60 qof kor udhaafaya waxaana magacyadooda helay:-
1 kaad axmad sh ibraahim
2 axmad sheekh ibraahim
3 ardo maxamad ow macalim
4 aamina dheer axmad saahid.
Waxaa kaloo isla taariikhdan 28/6/16 deegaanka Xidhgalool oo Dagmada Birqod katirsan ay ciidanka wayaanuhu
kasoo qaqabteen dad aad ubadan waxaana magiciisa helay ninka lagu magacaabo Cabdi Cabdi. Isla Degmada Birqad ayaa ciidanka cadawgu xidhay iyo jidh dil ba’an isugu dareen dad shacab ah oo farabadan waxaana kamid ah
1 aadan kilaas oo gacmaha laga jabiyay
2 cibaado cumar oo iyana gacmaha laga jabiyay
3 xassan geelle oo lug iyo gacan laga jabiyay
4 maxamuud deeq oo isna lugaha iyo gacmaha laga jabiyay
5 maxamad cabdi gaanbiye oo lamid ah
6 xuseen rashiid cabdulaahi oo isna lugaha laga jabiyay.
Dhamaan dadkan iyo kuwo kale ayaa loogaystay
dhaawacyo kala duwan mana
jiro wax daryeel caafimaad ah oo ay dadkan
heleen.

Sida aan xogtan kuhelay dadkan shacabka ah ayaa loogu aaaray khasaare ciidanka gumaysiga kasoo gaadhay gaadhi ay Ciidanka JWXO ku gubeen duleedka Birqod kaas oo ay ku leedeen askar aad ubadan.

Waxaa kaloo uu warkani tibaaxayaa in 6/7/16 Tuulada Garigo’an oo Dagmada Garbo ee Gobolk Nogob katirsan ay ciidanka gumaysigu kagaysteen dhibaatooyin aad ubadan oo saamayn kuyeeshay dhamaan dadka deegaanka, sida
warkan lagu xaqiijiyay ciidanka gumaysiga ayaa gabi ahaanba ood afka kasaaray ceelkii Garigo’an kaas oo ay biyihiisa kunoolaayeen kumanaan deegaanka ah, sida warku sheegayo ciidanka cadwga ayaa goobtaas jidh dil ugu gaystay dad kabadan 40 qof oo doonayay in ay xoolahooda waraabsadaan.

Sidoo kale markay taariikhdu ahayd 7/7/16 Tuulada Burqayar oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen dad kor udhaafaya 20 qo waxaana magacyadooda helay dadka kala ah.
1 bare macalim bashiir
2 kaad cabdi yuusuf
3 deeq kaabe
4 ifraax kaabe
5 nasri axmad nuur
6 dahab daahir.

Warkan waxaa kaloo uu intaas raacinayaa in markay taariikhdu ku beegnayd 8/7/16 Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar ay ciidanka cadawgu ku xidheen labo muwaadin oo lagu kala magacaabo Layla sheekh ismaaciil iyo Ramla macalim maxamad. Isla taariikhdan ayaa tuulada Goomaar oo Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay katirsan ay
ciidanka wayaanuhu xidhay iyo jidh dil isugu dareen ninka lagu magacaabo Cabdiwahaab Ow Sulub.

Sidoo kale ayaa 9/7/16 Haarcaday oo Dagmada Shaygoosh katirsan waxay ciidamada anshaxa xun ee gumaysigu ku kufsadeen gabadh da’a yar oo lagu magacaabo Ifraax Xuseen Faadhi waxayna ciidanka cadawgu gabadha ku jeex jeexeen toori, waxaa xusid mudan in ay ciidanka wayaanuhu kal hore isla deegaanka ku kufsadeen da’a dii Ifraax kawaynayd.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay