Cadaawadii soo jireenka ahayd ee ka dhaxaysay Xabashida iyo Soomaalida wali waa ay jirtaa wayna sii jiri doontaa, cadowtooyada Xabashidu u qabto Soomaalida waa mid aad u fog, aadna u qodo dheer, waa cadaawad dowladihii soo maray Ethiopia waligood aysan isku khilaafin kana midaysnaayeen, cadowtooyadaas gaamurtay oo ilaa qarniyo soo taxnayd ayaa waxaa ka abuurmay dagaalo culus oo laga xusi karo kuwii ugu caansanaa ee wakhtigii maamuladii boqortooyadii IFAT ay ka jirtay cariga Soomaali Ogadeniyq, xiligaas ayaa boqorkii Xabashida ee la odhan jiray Negus Yeshaq (1414–29), wuxuu cagtamariyay dhulkii maamulka Islaamku ka jiray, duulaankii Negus Yeshaq soo qaaday 1415 wuxuu ku dilay boqorkii Muslimiinta ee la odhan jiray Sacaadu-diin.

Iimaam Axmed Ibraahim Al-Qasaali (1506-43) loona yiqiinay Axmed Gurey wuxuu weerar ba’an ku qaaday Xabashida, hoodo wanaag darteed, wuxuu ku guulaystay inuu jabiyo Xabashida oo waagaas ka hor lahaan jirtay gacansarayn suurtagalisay in ay Muslimiinta ku soo rogeen canshuur ama gibir, Axmed Gurey oo ku barbaaray nawaaxiga Harar, wuxuu u guntaday una istaagay inuu badbaadiyo dadka iyo diinta Islaamka oo waayadaas ka sii laciifaysay geeska Africa, wuxuu markii horeba abaabulay iskuna dubariday ciidamo laxaad leh oo u badnaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo si geesinimo leh ugu babac dhigay cadowga Xabashida, bilowgii horeba wuxuu diiday canshuurtii Muslimiinta laga qaadi jiray, taasina waxay lama huraan ka dhigtay inay dagaal fooda is daraan ciidamadii Axmad Gurey hogaaminayay iyo kuwii uu horkacayay boqor la odhan jiray Lebna Dengel iyo gudomiyihii Xabashida ee gobolka Baali, waxaana si ba’an loo jabiyay ciidamadii Lebna Dengel.

Guulihii dagaal ee Axmed Gurey gaadhay 1529-1535 suurtagal iima ah inaan sadaradaan ku faahfaahiyo, waxaase ka mid ahaa dhulkii Xabashida laga qabsaday gobolada: Shembera-kure, Dawaro, Shawa, Lassta, Baali, Hadya, Sidamo, Gurage iyo goobo kaloo muhiim ah, 1535–Markii ciidamada Axmed Gurey qabsadeen dhamaan Badhtamaha iyo Koofurta Ethiopia, wuxuu weeraray isla markaana gacanta ku dhigay gobolka Tigree, isagoo uga sii gudbay ilaa deegaanka Woqooyi Galbeed Kasala ilaa uu dhinaca ku qabtay Saldanadii Muslimka ahayd ee Mazagna oo madax ay ka ahaayeen qabiilka Beeja oo ku taal xadka Suudaan iyo Itobiya, mudadii dhawr iyo tobanka sano ahayd ee Ahmed Gurey Xabashida xukumayay waxuu baday oo ay ka maageen inay wax dab ah shitaan habeen iyo maalin toona, iyagoo ka cabsanayey geesiyiinta Soomaalidu inay qaaca dabka ama qiiqa soo bidhaan raacaan, sidaas awgeedna ay Xabashidu ilaa maanta hilibka caydhin u cunaan.

Jabkii gaadhay darteed, waxaa Xabashida u soo gurmaday ciidamo ka yimid dalka Bortaqiiska ka dibna jabiyay ciidamadii Axmed Gurey, hadaba jabkii Axmed Gurey u gaystay ilbaxnimadii Boqortooyadii {Axum Empire} ee faca waynayd ayaa ah unuga cadowtooyada Xabashidu uurka ugu hayso Soomaalida, waxaana ka go’an in aysan qancaynin ilaa iyada iyo Soomaalida mid laga takhaluso, maanta Xabashidu si ay yoolkaas ku gaadho waxay isticmaashaa xoog iyo xeelad kasta oo suurtagal ka dhigi karta tirtirista sinjiga Soomaaliga.
Lasocda qaybaha kale ee maqaalkan Insha Allaah.
W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay