Wararka ka imanaya Dagamada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya dagaal Ciidanka Jabahada Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray deegaan hoos yimaada Dagmada Shaygoosh, warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in goobtii laysku faasaaray ay gacanta ugashay xaqlayaasha utaagan xorayn wadanka gacanta cadawga kujira ee Ogadenia.

Sida warku sheegayo Dagaal culus ayaa shalay oo Arbaco ahayd Ciidanka xooga dalka Ogadenia iyo kuwa Gumaysiga kudhex maray deegaanka Gaadabeen oo Dagmada Shaygoosh katirsan, dagaalkan oo markii hore kubilowday weerar ay ciidanka JWXO qaadeen ayaa isubadalay dagaal fool kafool ah waxaana lagu soowaramayaa in ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.

Khasaaraha kadhashay dagaalkan ayaa lagu soowaramayaa in wali lagu daba jiro waxaana ilaa hada laxaqiijiyay in ciidanka gumaysiga ay kabakhtiyeen 5 askari 8 kalana ay kadhaawacantay.

Kalasoco ONA wixii war ah dagaalkan iyo dagaalada kalaba kasoo kordha.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay