Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 47 Askari u diray Magaalada Juba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan, si ay u ilaaliyaan Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay iyo Shaqaalaheeda. Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale sheegtay in dalka Jabuuti ay diyaar ku yihiin 130-Askari oo dheeraad ah, kuwaas oo loo diri doono Koonfurta Sudan haddii Xaaladdu kasii darto.

Ciidamadan uu Mareykanku u diray dalka Koonfurta Suudaan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo uu waddankaas u diro, iyadoo xalaadda JUBA aanay ahayn mid colaad iyo mid nabadeed. Sidoo kale, Dagaalladii Maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Juba iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa lasheegay inay ku dhinteen 200-qof oo inta badan ahaa dhinacyadii dagaalku dhex maray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada madaxwyne ku xigeenka Dalka Koonfurta Sudan, Riek Machar ay isaga baxeen fadhiisimihii ay ku lahaayeen Caasimadda oo dhan, isla markaana uu Machar lasocdo. Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Marykanka iyo waddamo kaloo caalami ah ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta dalka Koonfurta Sudan inay xaaladda dajiyaan, isla markaana lajoojiyo colaadda, si aanu dalkaas mar kale dagaal sokeeye ugu laaban.

Magaalada Juba ee Caasimada Dalka Koonfurta Sudan ayaa lasheegayaa in laga saarayo Ajaanibtii ku sugnaa, maadaama ay jirto cabsi ku aaddan in dagaallo sokeeye ay dalkaas dib uga qarxaan. Waxaa kaloo lasheegayaa in Garoonka Diyaaradaha Juba aysan xilligan tagin diyaaradihii ganacsiga ahaa iyo kuwii rakaabka ahaa ee maalin walba ka degi jiray garoonka Magaaladaas.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay