Dowlada Maraykanka oo ah quwada dunida ugu wayn ayaa soo saartay bayaan ay muwaadiniinteeda kaga mabnuucayso tagitaanka wadanka Itoobiya iyo dagistiisaba, warkan kasoo baxay dowlada USA ayaa lagu sheegay in ay muwaadiniinta Maraykanku khatar ugu jiraan in lagu dilo Itoobiya ama lagu wax yeeleeyo maadaama oo ay wadanka gilgileen rabshado u dhaxeeya shacabka iyo jabhado hubaysan oo dhinac ah iyo ciidanka dowlada oo
dhinac ah.

Sida warka lagu cadeeyay dowlada Maraykanka ayaa wal wal ka muujinaysa joogitaanka muwaadiniinta Maraykanka ah iyo waliba soo aaditaanka wadanka Itoobiya gaar ahaan Gobolada ay rabshadaha xuni kajiraan sida Gobolka Axmaarada oo Todobaadkan ay hadheeyeen mudaharaadyo rabshado wata.

Safaarada wadanka Maraykanka ee Addis Ababa ayaa sheegaysa in ay khatar kusugan yihiin muwaadiniinta American ka ah ee kusugan Itoobiya waxayna safaaradu kutalo bixisay in ay dadka Maraykanka ah ee jooga Itoobiya taxadaraan meelo mucayin ahna ayna dagin sida huteelada waxayna amartay in ay qof qof udagaan, sodoo kale safaarada ayaa dadka American ka ah ugu baaqday in ay wadanka iskaga baxaan halka ay kuwa imaan lahaana siisay talooyin ku aadan imaatinkooda Itoobiya.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay dowladaha ree galbeedku muwaadiniintooda uga digaan imaatinka Itoobiya waxaa laxasuustaa in ay dowladaha Ingiriiska, Norway, Germany, Australia, Canada iyo dowlada Maraykanku muwaadiniintooda uga digeen imaatinka iyo joogitaanka Itoobiya waxayna sabab uga dhigeen qalalaasaha hadheyay guud ahaan wadanka iyo tayo xumada xukuumada TPLF oo kuguul daraysatay in ay wax kaqabato dhibaatooyinka kusii baahaya wadanka.

Guntii iyo gunaanadkii digniintan ugu dambaysay ee kasoo baxday wadanka Maraykanka ayaa xalada uga  siidaraysa waxayna keenaysaa isku dhex yaac iyo kala daadasho kutimaada xukuumada TPLF oo ladaalaa dhacaysay arimo gudaha wadanka dhexdiisa kaga furan oon wax xal ah loo haynin.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay