Guusha waa mid lawada jecelyahay. Mana aha mid dhib yaraan lagu helo. Guusha la doonayo iyo dhibka loo marayona way isu dhigmaan. Umad gumaysi ku jirta markii laga helo qayb kamid ah oo u istaagta baadidoonka xoriyadoodii laga dhacay waxay jeceshahay inay ka guulaysato gumaysiga iyadoo u mareysa wado kasta oy ku gaadhi karto hadafkii ay lahayd. Waxaana lagama maarmaan ah inay  maraan bushadaasi hadba wadiiqada ugu sahlanee ay ku soo dhicin karto  xaqa asaasiga aadminmo ee ah xoriyadda umadaas laga dhacay.

Hadaan diirada saaro baadideena maqan een sanadaha badan daba socono, waxaa qasab ah in aan asbaabaha guusha la nimaadno oy ka mid yihiin qodobada soo socda;

1-    Waa inay bulshada Rabbigii ina abuurtay ee maamulkiisa un taladu ku jirto waydiistaan gar gaar iyo gacan qabasho, iyagoo maraya wadaduu ugu tala galay in lamaro. Allaah SW wuxuu isku xidhay oo shardi isaga dhigay u gargaarintaankiisa iyo guusha uu muslimiinta siinhayo wuxuuna Allaah SW ku sheegay  suuratu Muxammad Aayada 7aad aayada ah (إن تنصر الله ينصركم ويثبت أقدامكم) oo macnaheedu yahay (Hadaad Ilaahay u gar gaartaan isaguna wuu idiin gargaari, cagihiinana dhulkuu ku xajin oo goobta dagaalka ka carari maysaan), Waxaa kaloo Ilaahay uu ku sheegay aayad kale (إن ينصركم الله فلا غالب لكم وإن يخذلكم فمن ذا الذي ينصركم من بعده وعلى الله فليتوكل المؤمنين ) Hauu Ilaahay idiin gargaaro wax idinka awood badin hayaayi marjiro haduu idin hoojiyana yaa kaloo idiin gargaari!!? Suuratu Al-cimraan aayada 160. Sidaa darteed, waa in bulshada halgmaysa ay la timaado Alla ka cabsi iyo baryada Ilaahay oo la badiyo oon laga daalin lagana dagdagin.

2-    Bulshadaasi waa inay sabar iyo dulqaad la timaado. Sababtoo ah dhibka loo maro xornimada iyo shay kastoo qaali ah waa mid xanuun badan oo uusan xamili karin geed nugaylku . Adkaysigu  waa  laf dhabarka halgan gobanimadoon. Adkaysiga iyo dhibka oo loo dhabar adaygu ma sahlana hasa ahaatee bulshadii la timaada way ku liibaani. Waxaa loo baahanyahay in lagu sabro qoriga dagta lagu hayo, habeen guurka iyo galab carowga, gaajada iyo oonka, goonyaha aduunkoo la wareego, hor istaaga bani-adamka iyo su`aasha faraha badan, khiyaanada walaalka iyo saaxiibka, xabada dhamacda ah, dhibka iyo naxariisdarada cadowga iyo waliba kuwa uu soo adeegsanhayo. Sidoo kale waa in laga sabraa nolosha wanaagsan ee dadka xorta ihi ay ku nool yihiin iyo waliba laaluushka iyo luflufka uu gumaysigu mar walba u ballan qaadayo gobanimo doonka.

Wuxuu Allaah SW yidhi; يا أيها الذين أمنوا اصبروا وصابروا ورابطوا واتقوا الله لعلكم تفلحون) oo macnaheedu yahay; mu`miniintow sabra oo isa sabarsiiya oo diyaar garow sameeya oo Allaah kacabsada SW waxaa xaqiiqa ah inaad liibaanaysaane) dhamaadka suurau Al-cimraan.   Nabigeenu CS wuxuu ku tilmaamay sabirka inuu yahay gaashaan. gaashaankana waa lagu dagaal galaa, sidaa darteed shacabkii halgan ku jira waa inuu sabirka ku dadaalaa oo gaashaan ka dhigtaa. Nin luqada carabiga ku gabyay ayaa yidhi:

لاستسهلن الصعب أو أدرك المنى  .. فما انقادت الآمال إلا لصابر  oo macnmaheedu yahay  waan sahashan arimaha culus een wajaho ilaa aan ka gaadho ujeedadaydii .. yidi-diiladuna uma hogaansanto nin aan sabir lahayn. Soomalaiduna waxay dhahaan – Sabraa sad ma waayo-.

3-    Waxaa lagama maarmaan ah inuu qofka halgamaya niyadiisa wanaajisto qalbigana gashado inuu dadkiisa iyo dalkiisa duliga ka dulqaado oo xornimo gaadhsiiyo si ay diintiisu kor u noqoto. Waa inuu gobanimo doonku niyada gashadaa inuu mustaqbalka u istaagi doono wax kastoo musalaxada umadu ay ku jirto isagoo ku dabakhaya diintiisa oo shareecada Rabbaaniga ah uu wax ku xukumi doono. Laakiin hadaynu maanta inteenani wada dagaal galo oon wada dadaalno oon Rabow gumaysiga na dhaafi ku ducaysano hasa ahaatee niyadeena ay ku jirto dhawaan saad doonto u nooloow iyo waxaad rabto wax ku xukun, dadaalkeenu waxba kama jiraan buu nooqnhayaa, guushana in ayna soo dagdaginbaa laga yaabaa, oo  lafaheena umbaan siraynaaye Ilaahay niyadeena wuu la socdaa  .

Allaah SW markuu ka sheekeeyay muminiinta dagaalka loo fasaxay  kadib markii ladulmay ee uu sheegay inuu Rabbi gargaarkooda awoodo ayuu sii tilmaamay oo yidhi;

الذين إن مكناهم في الأرض أقاموا الصلاة وأتوا الزكاة وأمروا بالمعروف ونهوا عن المنكر ولله عاقبة الأمور  – waa kuwa hadaanu dhulka dajinno salaada oogaya, Zakadana bixinhaya, wanaagana is amraya, xumaantana iska reebaya, umuurta cidhibta wanaagsana Allaah umbay usugnaatay) suuratu-alxajj aayada 41. Hadaba mar haday saas tahay inagoo kolay dhibtoon hayna waa inaan niyada wanaajisanaa oon eegadan aan joognana diinteena wixii karaankeen ah kaga dhaqano mustaqbalka inaan isku xukunana niyada siigashanaa sida xeerkeenaba kuqoron.

4-    Waa in la helaa kala dambayntii uruurnimo oo loo hogaansamaa laguna dhaqmaa xeerka ururkaas gobanimo doonka ah u yaala waana inay isku si u tixgaliyaan midka ugu sareeya iyo kan ugu hoseeya. Sababtoo ah hadaan lahelin kala damabayn iyo maamul iyo kala amar qaadasho oy howshu noqoto garba siman waxaa meeshii imaan haysa nidaamkii oo burbura iyo iydoon lagu heshiinin hal howlgalna sababtoo ah qof waliba sida laquman ee aragtidiisa ahbuu yeelayaa. Mark Allaah oofsaday  Nabugeenii SCW lama aasin ilaa muslimiinta madax weyne (Khaliif) loo doorto maxaa yeelay aaskiisaba lagu heshiin mayo hadaan meeshii maamul jirin. Dhibaatada laga dhaxlo la`aanta maamul caam ah ama mid ururnimo waxaa tusaale inagaga filan xiligay dhacday dowladii Dargiga ee Mingsito, shacabka S.Ogaadeeniya waxay joogeen xiligay uguna hub badnaayeen uguna xoolo badnaayeen garaadkooduna wuu garanhayay waxay tahay xornimadu.

Waxaan xusuustaa markay sii baxayeen ciidamadii Mingisto iyagoo dhalinyarada reer miyiga ihi ay is uruursadaan oy intaasoo qori isu keenaan deedna ay wadada u galaan iyagoo lugayn haya, hasa ahaatee kuma ayna gulaysanhaynin waxaan ka ahayn inay qoryaha ka daadsadaan askarta habaq-laynahysa ee ooman. Kaliya waxaa meesha ka maqnayd un urur nidaamsan oo dadka jaheeya.

Sidaas darteed waa in dadka gobanimo doonka ihi yeeshaan urur leh kala damabyn iyo maamul isla markaana xeerkooda mudnaantiisa ay siiyaan.

5-    Waxaa qasab ah in laga helo xubnaha ururkaas daacadnimo. Howsha waa in daacad laga yahay maamul, xubno iyo ciidanba. Qofka ururka ka mid noqonaya ee khiyaarkiisa ku yimid waa inuu aaminsan yahay xeerka iyo ujeedada loo unkay uruka. Waa inuu aaminsanyahay inuu naftiisa iyo maalkiisa iyo maskaxdiisaba ugu shaqeeyo qaybta kaga aadan ururka oo marwalba uu maskaxda ku hayaa inuu yahay xubin loo dhaariyay siduu umadiisa uga saari lahaa gumaysiga. Waa inay xubnaha ilaaliyaan sirta ururka iyo waxa u gaarka aha e kalida uu kala yahay shacabka iyo maamulada kalaba.

6-    Agu dambayn waa in hogaanka ururka looga dambeeyaa jahaynta siyaasdda ururka iyo wixii raadgadasho ah. Iyadoo baadida la doonayo ay tahay in sumadeeda lagu doono oo dhankay jirtana loo doono, ayay tahay lagama maarmaan in lala falagalo marxaladda kolba la joogo oo mawjadaha isdaba maraya sidii looga dabaalan lahaa laga fikiro, taasoo ah masuuliyadda hogaaminta ururka iyo wadatashigiisa.

وما النصر إلا من عند الله إن الله عزيز حكيم – صدق الله العظيم

By: Halgame

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay