War saxaafadeed ay soosaartay Jabhada Xoraynta Oromia (OLF) ayaa lagu sheegay in ay dagaalo culus dhex mareen Ciidamada Xoraynta Oromia iyo Ciidanka Gumaysiga Itoobiya, war murtiyeedkan ayaa lagu sheegay in dagaaladan oo mudo todobaad ah si isdaba joog ah usocday cashiro waawayn loogu dhigay ciidamada gumaysiga Itoobiya ee dagaalka lagalay Ciidanka Xoraynta Shacabka Oromada.

Dagaaladan oo kasocda guud ahaan gobolka Oromia ayaa lagu soo waramayaa in khasaarihii ugu badnaa uusoo gaadhay ciidamada gumaysiga Itoobiya ee gabiga kasii laalaada, Jabhada Xoraynta Oromia OLF ayaa sheegtay in ay aad uxoojisay dagaalada ay ku xoraynayaan Gobolka Oromia oo ah gobol dadkiisii uu hurdada katoosay una diyaar garoobeen in ay xoog iskaga dulqaadaan xukunka xaq darada ah ee ay koocda TPLF dadkooda kugumaaday.

Bayaankan ay soo saartay Jabhada Xoraynta Oromia OLF ayaa lagu sheegay kadib jabkii ciidanka gumaysiga in ay saraakiisha ciidamada gumaysigu bilaabeen in ay ciidanka Oromia kula dagaalamaan nooc kasta oo ay isleeyihiin waxaad kusii dheeraysan kartaan jiritaankiina, sida war saxaafadeedkan lagu sheegay ciidamada gumaysiga Itoobiya oo ah ciidan tabar beelay ayaa suneeyay dhamaan ceelashii ka ag dhawaa goobaha ay dagaaladu kasocdaan waxaana biyaha lasumeeyay ku dhintay qaar katirsan ciidanada jabhada Oromia halka dad shacab ahna ay ku baaba’een.

Falkan ay ciidamada Wayaanuhu ku dhaqaaqeen ayaa muujinaya tabar xumada iyo rajo beelka ciidanka gumaysiga waxayna arintanu cadayn u tahay naf lacaari nimada ciidanka gumaysiga oo hada adeegsanaya sun iyo wax lamid ah.

Dhinaca kale falka noocan ah ayaa noqonaya faldambiyeed dhinaca dagaalka ah waana arin xad gudub ku ah xeerarka uyaala dagaalada waana arin xukuumada Wayaanaha ukeeni karta cawaaqib xumo badan oo dhinac kasta ah.

Ma aha markii ugu horaysay ee ciidamada gumaysigu suneeyaan ceelal ama baraago ay dadku kacabaan waxaana laxasuusan yahay goobo badan oo kuyaalada Ogadenia in ay ciidanka gumaysigu suneeyeen kuna dhinteed dad iyo duunyo badan, Ciidanka Gumaysiga ayaa falalka noocan ah kagaysan jiray markay dharbaaxo kasoo gaadho Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia CWXO.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa caan ku ah in ay kafikiraan hadba fursada ay isleeyihiin waxay kordhinaysaa sii jiritaankiina waxayna goobaha lagula dagaalamo kasameeyaan wax kasta oo ka xaaraan ah goobaha dagaalka sida Sunta, Dabka, Kufsiga iyo falal kale oo ah dambiyo dagaal.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada gumaysiga oo ay lasoo daristay jaha wareer aad ubadan ayaa hada guud ahaan wadanka kawada arimo xuquuqul insaanka ka dhan ah, waxaana jira kacdoono ay shacabku kawadaan dhamaan Gobolada iyo dagmooyinka waana sababta larumaysan yahay in ay ciidanka gumaysigu u isticmaalayaan fal dambiyeedka ay hada ku kaceen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay