Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa kawarbixinaya dagaalo ciidanka wayaanaha khasaare laxaad leh loogu gaystay, Warkan oo aan kahelay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soo warama xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa uqoraa sidan.

12/7/16 Dooya oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal culus oo ciidanka wadaniga xoraynta ogadenia iyo kuwa gumaysiga Ethiopia kudhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay inta lahubsaday 10 askari 18 kalana waa lagaga dhaawacay, sida warku sheegayo dhaawaca ciidanka gumaysiga oo ay kujiraan kuwo aad uliita ayaa lageeyay magaalada Jigjiga.

15/7/16 Deegaanka looyaqaano Agoonka oo Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal aan Waxba laysula hadhin oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga loogu gaystay khasaare naf iyo maalba leh oo faahfaahintiisa wali aanaan helin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay