Wararka nagasoo gaadhaya Wadanka Ogadenia gaar ahaan Gobollada Jarar iyo Qoraxay ee wadanka ogaadeeniya ayaa tibaaxaya dhibaato aad ubadan oo loo gaystay dadka shacabka ah ee masaakiinta ah, maalmaihii u danbeeyay waxaa sii kordhayay dhibaatooyinka loo gaysanayo shacabka Somalida Ogaadeeniya

Hadaba wararka ka imaanaya magaalada qabridahar ee xarunta gobalka qorahay ayaa sheegaya in dhibaato laxaad leh kajirto magaalada dhexdeeda todobaadkan sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal waxaa kajira olole dhibaata ah oon lookala aabayeelaynin dadka yar iyo wayn kaasoo kusaabsan cadha kadhalatay fashilkii cabdi ilay ka gaadhay qurbaha gaar ahaan wadanka Australiya

Sidoo kale Tuulada Ceel-xaar oo katirsan gobalka Jarar ayaa  dhibaato cusub ay ka socotaa isla tuulada iyo dadka daga agagaarka tuulada ayaa lagu hayaa dhibaato xoog badan waxaa lasheegayaa in dadka ladhibaateeyay tariikhdu markay ahayd 15/07/2016.

Waxaa kamid ah dadka ay dhibaatadu soo gaadhay ee naloo xaqiijiyay ree Axmed Gaydh oo ka kooban 13 ruux iyo xoolahoodii, ree Cabdi Guray oo kakooban 11 qof iyo xoolahoodii, Ree Xuseen cade oo kakoban 16 ruux iyo xoolahoodii, Ree Khaliif oona magacooda kale helin iyo xoolohoodii hadaba dhamaan dadkan waxaa loo gaystay dhibaato dhac iyo xidhay iskugu jira.

 

ONA/ogadeniya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay