Maanta oo Axad ahayd taariikhduna 17/7/16 waxaa magaalada Copenhagen ee caasimada wadanka Dermark kadhacay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen ma’uuliyiin katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo xubnaha Jaaliyada Ogadenia ee magaalada kadhisan.

Shirkan oo ahaa shir aad muhiim u ah waxaa lagaga arinsanayay qorshaha Jaaliyada ee 6-da bilood ee soosocota hadii Alle idmo waxaana kulankan sifiican loogu dajiyay qorsha halgameedka bilaha fooda inagu soohaya.

Kulankan oo ahaa mid balaadhan waxaa ugu horaynba lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sheekh Xassan Cabdulaahi oo ah Xoghayaha Jaaliyada wuxuuna sheekhu in badan bulshada ku guubaabiyay arimo ay kamid yihiin cabsida Allaah iyo gudashada waajibaadka diiniga ah sida ladagaalanka cadawga wadankeenii haysta.

Intaas kadib waxaa lagusoo dhaweeyay Hogaanka Warfaafinta JWXO mudane Xassan Macalim wuxuuna hogaanku ka waramay marxalada uu halganku maanta marayo iyo wuxuu soomaray isagoo xusay waxqabadkii ugu dambeeyay ee jabhada uqabsoomay, sidoo kale Mudane Xassan Macalim ayaa in badan xubnihii shirka fadhiyay uga waramay xaaladaha gumaysigu uu hada kusugan yahay.

Dhinaca kale waxaa khudbado dhaxal gal ah madasha kajeediyay qaar kamid ah gudiga Jaaliyada waxayna dhamaan xubnihii hadlay hoosta kawada xariiqeen siilaban laabida halganka xaqa ah ee Ogadenia kasocda.

Sidoo kale waxaa shirka kasoo qayb galay door muhiim ahna kaqaatay ururada bulshada sida OYSU iyo Ururka Haweenka Ogadenya ee UHO iyo waliba xubno katirsan golaha dhexe ee JWXO oo uu kamid yahay mudane Cabdullaahi Ileeye.

Guntii iyo gunaanadkii kulankii maanta waxaa kasoo baxay qodobo dhaxal gal ah waxaana lagu dajiyay qorshihii bilaha lixda ah ee soosocda hadii rabi Ogolaado.

ONA Dermark

image

image

image

image

image

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay