Ku dhawaad sadex askari ayaa ku dhimatay weerar lagu qaaday goob u dhaw xarunta dhexe ee Booliiska magaalada Baton Rouge ee gobalka Louisiana ee dalka Maraykanka.

Rasaasta lala beegsaday askarta Booliiska ayaa lasheegay inay sidoo kale ku dhaawacmeen 7 askari oo kale. Wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay toogasho ku dileen hal qof oo hubeysnaa oo lasheegay inuu kamid ahaa kooxda weerarka fulisay.

Magaalada Baton Rouge ayaa ah goobtii ay askarta booliiska labo todobaad kahor ku dileen nin madow ahaa oo aan wax hub ah sidan, dilkaasi oo ay xiisadi ka dhalatay, waxaana xigay weerarkii ka dhacay todobaad kahor magaalada Dallas ee gobalka Texas ee lagu dilay 5 askari oo boolis ah. Weerarkaasi Dallas oo uu fuliyey nin madow oo horey askari usoo ahaan jiray oo sheegay inuu ka aargoosanayey askarta Cadaanka ah.

Illaa iyo hada xog dheeraad ah lagama soo saarin cida weerarkan ka dambeysa, waxaase loo badinayaa inay ku lug leedahay xiisadii u dhaxeysa Maraykanka madow iyo askarta Booliiska ee dhawaanahan sida weyn looga dareemayey wadanka Maraykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay