Qaarada Africa waxay bilowday baasaboor cusub oo qaaradda oo dhan ka dhexeeya, kaasoo lasiin doono dadka oo dhan kadib markuu si rasmi ah u dhaqan galo baasaboorkan iyo hawlaha laxidhiidha.

Baasaboorkan oo ah mid ay maamuleyso hay’adda Midawga Afrika ayaa lagu bilaabay madaxweynaha dalka Chat oo sidoo kale ah madaxa Midawga Afrika, Idris Debi iyo madaxweynaha dalka martigelinaya shirka ee Rwanda, Paul Kagame.

Sida ay sheegtay Delemina Zuma oo ah madaxa golaha Midowga Afrika baasaboorkan ujeedadiisu waxay tahay in lagu xoojiyo isdhexgalka shucuubta qaarada Afrika. Waxaa la qorsheynayaa in madaxda shirka ka qeybgaleysa loowada qeybiyo baasaboorka cusub, kadibna ay bilaabaan sidii ay u meelmarin lahaayeen dhaqan galkiisa.

Magaalada Kigali ee dalka Rwanda oo baasaboorka lagu soo bandhigay waxaa kasocdo shirka madaxda Afrika ee 27-aad, kaasoo sidoo kale looga hadlayo xaaladda wadanka Sudanta Koofureed, miisaaniyadda qaaradda iyo doorashada golaha Midawga Afrika.

Hada ergada iyo madaxdu waxay guda galayaan sidii ay u dooran lahaayeen dadkii badali lahaa gudoomiyayaasha guddiyada kala duwan iyo gudoomiyaha guud ee Midaga Africa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay