Shalay oo ahayd maalinimo Axad ah taariikhduna kubeegnayd 17-07-2016 waxaa shirkoodii caadiga ee billaha ahaa isugu yimaaday xubnaha faraca miftaxul-Xorriyo ee jaaliyada ogadenia ee bariga-Africa (JABSO) kana hawlgala xerada ifo ee deeganka dadaab.

Shirka oo furmay abaarihii 2:00pm duhurnimo ayaa lagu furay ayaado Qur’aan ah iyo wacdi diini ah oo aad uqiimo badan kuna qotoma cabsida Eebe iyo halganka xaqa ah ee kasocda ogadenia waxaana soo jeediyay halgame sheekh Cabdikariim oo kamid ah culimada Ogadenia.

Shirka waxaa kasoo qayb galay inta badan xubnaha faraca iyo Gudida Qoxotiga Ogadenia (0RCC) oo kakooban 3da Xero waxaana lakala qaatay warbixin dheer meelabadan taabanaysa taasi oo ay soo bandhigeen maamulka Faraca iyo gudida ORCC halka ay xubnaha Faracuna dhankooda warbixinta qayb kaqaateen
Waxaana aad looga warbixiyay xaalada Qoxotiga Ogadenia ee kudhaqan xeryaha Qoxotiga.

Intaa kadib waxaa laguda galay qodobadii kale ee shirka oo ahaa qodobo muhiim ah oo Aad loogadooday lagana soo saaray go,aamo waxku ool ah iyo talooyin dhaxalgal ah oo kadhashay doodihii iyo fikradihii xubnaha.

Gabagabadii iyo gunaanadkii shirka ayaa kusoo dhamaaday jawi aad uquruxbadan iyadoo wajiyada xubnahana laga dheehanayay dareen iyo qiiro wadaniyadeed waxuuna shirku soo xidhmay abaarihii 04:00pm

Abdullahi-Yare,
ONA IFO DADAAB,

imageimageimageimageimage

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay