Dowlada Turkiga ayaa sii wada xadhiga qaar kamid ah saraakiisha milatariga iyo hey’ada garsoorka kuwaas oo looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen afganbigii dhicisoobay ee Jimcihi ka dhacay dalkaasi.

Wasiirka cadaalada Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in laxidhay ilaa iyo 6,000 oo qof,isla markaana tirada qabqabashada ay sii kordhi doonto. Dadka laxidhay waxaa kamid ah abaanduulaha cutubka 3-aad ee ciidanka qalabka sida General Erdal Ozturk, kaasoo lagu soo oogi doono dacwado khiyaano qaran ah.

Saraakiil sare oo ka tirsanaa milatariga isla markaana loo maleynayo in ay ku lug lahaayeen iskudaygii dhicisoobay ayaa u duulay dalka Turkiga deriska la ah ee Giriiga. Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa ka codsatay Giriiga in ay soo gacan geliyaan saraakiishaasi.

Kumannaan kun oo ruux ayaa isugu soo baxay fagaaraha Kizilay ee bartamaha magaalada Ankara iyo sidoo kale magaalada 3-aad ee ugu weyn dalka ee Izmir, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlada madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Iskudayga afganbiga Turkiga ayaa waxaa cambaareeyey dhamaan aduunyada, gaar ahaan dalalka saaxibada la ah Turkiga oo ay ku jirto Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay