Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay cirka isku shareereen banaan baxyadii rabshadaha watay ee mudaba kasocda Gobolka Axmaarada, Sida aan xogta kuhelay waxaa si xoowli ah usii fidaya mudaharaado ay dagaalo garab socdaan oo maalintii 5aan kasocda Gobolka Axmaarada.

Ilo wareedyo kusugan magaalada Gonder ee caasimada Xabashida ayaa sheegaya in ay banaan baxayaashu si isku mid ah kacdoon kooda uga wadaan magaalooyinka waawayn ee gobolka AxmaaradaSida Gonder, Bahardar, Gindir iyo maagaalooyin kale, sidoo kale dadka cadhaysan ayaan lagu soo waramayaa in ay kacdoono culus kawadaan dhulka tuulooyinka ah iyo baadiyaha fog.

Dhinaca kale jabhada Gimbot 7 ayaa laban laabtay weeraradii ay kuhaysay ciidamada gumaysiga ee kusugan gobolka Axmaarada waxayna jabhadu ka faa’iidaysanaysaa kacdoonada ay dadkeedu wadaan.

Dhinaca kale dadka kudhaqan gobolka Axmaarada oo mudoba kutaamayay in ay ka hoos baxaan xukunka TPLF ee cabudhiska kudhisan ayaa hada bilaabay in ay kudagaalamaan hubkooda waxayna ogaadeen in iyagoon jabhadaha raacin ay iska celin karaan ciidamada wayaanaha.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada TPLF oo ladaalaa dhacaysay culays dhinaca siyaasada ah ayay ugu darmadeen shacab gadoodsan oo aan kacdoonkoodu kala joogsi lahayn waxayna xaaladu maraysaa meel aan waxba laga qaban karin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay