Wakaalada Wararka Ogadenia ONA oo aad uga barateen in ay idiin baahiso xogta iyo xaalka xukuumada gabalkeedii dhacayo ee TPLF ayaa idiin haysa qaab dhaqanka iyo habka ay dadka udhagraan saraakiisha iyo madax kusheegta soomaray xukuumada TPLF.

Ninka lagu magacaabo Abay Woldu oo mudii 25ta sano ahayd ee ay TPLF talada wadanka xoogu kuhaysatay lashaqaynayay jagooyin badana kasoo qabtay ayaa lasheegay in lagu eedeeyay cadaalad darada kajirta hay’adaha xukuumada hada jirta ee wayaanaha waxaana laxusay qaab dhaqanka iyo sida nidaamka aan waafaq sanayn ee xukuumadu ula dhaqantay qoomiyadaha kala ah Walqait iyo Tsegede oo axmaara ah.

Siyaasiyiin kaxun waxa qawmiyadaha kudhacaya ayaa sheegay in ay talada wadanku gacanta ugu jiray qabiilka Tigrey oo aan ogolayn in wax lala wadaago waxana cadaynayaan in qoomiyadaha kale loo adeegsado awood milatari lagana ilaaliyo jagoojinka muhiimka ah, siyaasiyiintan oo hada taageersan kacdoonka ay wado qoomiyada  Axmaarada ayaa sheegay in ay kacdoonadu bilowdeen kadib cadaalad daro iyo shaqo la’aan baahsan oo guud ahaan wadanka kajirta waxayna sheegeen in ay dadku kagadoodeen dhibka lagu sameeyay.

Xogtan aan helay ayaa lagu xusay qaar kamid ah saraakiisha isku deegaanka iyo qabiilka ah ee isaga dambeeyay
jagooyinka wadanka laga maamulo waxaana la xusay Aregawi Nega, SibhatNega, Males Zenawi iyo Abay Woldu oo dhamaan kasoo wada jeeda magaalada Adwa ee Gobolka Tigrey.

Sida looga bartay taariikhda Itoobiya inta badan dadka jagooyinka muhiimka ah qabtay ayaa ahaa kuwo jaahil ah oo
aan lahayn wax aqoon iyo khibrad ah waxayna xukuumada wayaanuhu caan kutahay in ay shaqada udhiibto hadba ninka ay isleeyihiin wuxuu gumaadaa karaa shacabka wax nidaam ahna ma ilaalinayo. Sidoo kale xukuumada TPLF ayaa looga bartay in uu wasiir kasta shaqo siiyo dadka ay isku haybta yihiin isagoo baalmaraya cadaalada.

Sidoo kale xukuumada wayaanaha ayaa loo aqoon sanyahay mida ugu xun dhinaca doorashooyinka waana wadanka kaliya ee hal xisbi leh loona ogolayn cid kale oo talada wadanka hun guriyaysa, sida laxasuusan yahay baarlamaanka gumaysiga Itoobiya ayaa ah 547 xubnood mana jiro halqof ah oo aan katirsanayn xisbi kusheega EPRDF.

Isku soowada duub oo waxaa lala wada socdaa in ay ceel dheer kujirto cadaaladii iyo sinaantii wadanka gumaysiga
Itoobiya waxaadna hada moodaa in uu xaqii dilaacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay