Sida ay saxaafada caalamku qoraysi magaalada Munich ee dalka Germany ayaa weerar ka dhacay xarun ganacsi oo weyn shacabkuna aad uga adeegto. Illaa iyo hada wax war faah faahsan lama hayo cida weerarkan hubeysan ka danbeysa iyo tirada kooxda fulisay toona, balse Booliska magaalada Munich ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan xarunta uu weerarka ka dhacay.

Waxaa weli socda hawlgal balaadhan oo ay wadaan ciidamada amaanka, waxaana la hakiyey dhamaan gaadiidka dadweynaha ee goobtaasi taga sida Basaska iyo Tareenada. Waxaan sidoo kale weli la aqoon tirada dhabta ah khasaaraha iyo dadka weerarkan ku dhintay, balse warbaahinta qaarkeed oo soo xiganaya dad goob joogayaal ah ay sheegayaan in ay ugu yaraan ku dhinteen 15 qof.

Faah faahinta warkan waxaad kaheli doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay ka raali ahaado.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay