Waxay Maxkamada dalka Giriiga Khamiistii xukun kuriday 8 sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka dalka Turkiga kuwaasoo Sabtidii lasoo dhaafay ula baxsaday diyaarad nooca qumaatiga kuca ah oo Turkigu lahaa dalka Giriiga.

Saraakiishan ayaa sheegay inay kasoo carareen dalkooda Turkiga iyagoo ka cabsi qaba in looxidho inqilaabkii dhicisoobay ee kadhacay dalka Turkiga Jumcihii lasoo dhaafay ooy taariikhduna ahayd 15/7/2016. Dowlada Turkiga ayaa ka codsatay in dib loogu sooceliyo saraakiishan si maxkamad loosaaro.

Xukuumada Giriiga oo dib u celisay diyaaradii ay lasoo baxsadeen saraakiishan ayaa sidoo kale maxkamad saartay askartan oo shalay lagu xukumay 2 bil oo xabsi ah kadib markii ay kusoo xad gudbeen hawada wadanka Giriiga. Walow lasheegay in xabsiga lagu xukumay aan hada ladhaqan gelin doono oo dib loo dhigay muddo 3 sano ah.Waxaa weli socota dacwada ay Saraakiishan u gudbiyeen dowlada Giriiga oo ah in lasiiyo magangelyo siyaasadeed, dacwadaasi oo aan weli dhamaan.

Saraakiishan ayaa maxkamada Giriiga ka hor sheegay ineysan waxna kala socon Inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga, balse hadii dib loogu celiyo wadanka Turkiga ay naftooda ku waayi doonaan, waxay sidoo kale ku doodeen in xiligii uu dhacayey afgembigii dhicisoobay ay iyagu ka maqnaayeen xarumaha militariga balse mar dambe ogaadeen in uu jiro inqilaab militari.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay