Daraasaad muhiim u ah dhaqaalaha dalka Britain (UK) ayaa lagu ogaaday in uu jiro hoos u dhac laxidhiidha dhaqaalaha dalkaasi tan iyo markii shacabku Ingiriisku ay u codeeyeen in ay ka baxayaan midowga Yurub.

Daraasadan oo uu sameeyay The Markit Purchasing manager’s index, kaas oo ah mid lagu cabiro jawiga warshadaha iyo qeybaha adeegyada bixiya ee kala duwan, ayaa lagu sheegay in dhaqaaluhu uu hoos u dhacay uuna gaadhay heerkii ugu darnaa tan iyo sanadkii 2009-kii.

Heerka hoos u dhacan ayaa muujinaya in dhaqaalaha Britain uu liici doono boqolkiiba dhibic afar, saddexda bilood ee sanadkan 2016 een kujirro ugu dambeysa, waa sida lagu cabiray daraasadan ku saabsan dhaqaalaha UK.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka Christine Lagarde, oo ka hadlaysay kullanka dalalka dhaqaalaha ugu wanaagsan caalamka ee G20 ee ka socda Shiinaha, ayaa ku baaqday in lasoo afjaro hubaal la’aanta ku xeeran ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub.

Midawga Yurub ayaa sidoo kale horay u sheegay in ay rabaan in sida uga dhakhsaha badan looga gudbo xiliga hubaal la’aanta ah kadib markii shacabka Britain uu u codeeyay inay iskaga baxaan Midawga Yurub 23/6/2016. Aftidii shacabka laga qaaday ayaa natiijadii kasoo baxday ay saamayn wayn ku yeelatay guud ahaan dalka Ingiriiska.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay