Maalinimadii Jumcaha ahayd taariikhduna ku beeg nayd 22/07/2016 waxaa kulan koodii billaha ahaa isugu yimiday Jaaliyada Somalida Ogadenia ee wadanka Boqortooyada sucuudiga waxaana Kasoo Qayb galay Qaybaha Kala duwan ee bulshada iyo maamulka Jaaliyada ee Damaam.

Shirkan ayaa waxaa ugu horaynba lagu furay aayadaha Quraanka Kariimka iyo wacdi diini ah waxaana Kasoo Jeediyay mudane Halgame Sheekh  Saxane Xasan Muxumed wacdii diiran oo sheekhu ku ifinaayay Jihaadka xaqa ah Ee kasocda gudaha Ogadenia.

Intaas kadib waxaa makarafoonka lagu wareejiyay Gudoomiyaha Jaaliyada Damaam Mudane  Abwaan Ibrahin Badal Cali Nuur, wuxuna ka jeediyay khudbad aad u qiimo badan dhamaan xubnahana runtii qiiro galisay sidoo kale ka hadlay falkii foosha xumaa ee maamulka Dabadhilifka ah sameyeen. Sidoo kale waxaa ka hadlay shirkan qaar kamida Gudiga Fulinta Jaaliyada oo ka jeediyay khudbado soo jiitay Xubnaha.

Sidoo kale maamulka ayaa waxay Tacsi u direen guud ahaan ba Shacabka Somalida Ogadeni gaar ahaan bahda JWXO, waxaana Hadaladii xubnaha Kamid ahaa in Halganku inta uu socdo uu shahiidku socon hayo sidoo kale ay Xaaladan nasiin hayso Dhiiranaan iyo car car Hor leh oo aan kusi Laban Laabayno Dagaalka aan Kula Jiro Gumaysiga Ethiopia

Shirkan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si Guul ah waxaana lagu balamay in La xoojiyo Halganka sidoo kale Loo baahan yahay iyo Naf iyo maalba Diyaar Lala Noqdo xubin walbana Naftiisa Lasoo xisaab tamo

13735564_308995146101478_7115404582822379812_o13690935_308995289434797_7511405798817370119_o13738314_308995436101449_930573126019395728_o13717432_308996249434701_6335820633755730586_o

ONA/Damaam

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay