Maalinimadii shalay oo Axad ahayd taariikhduna kubeegnayd 24/07/2016 waxaa faraca miftaxul.xoriyo uqabsoomay shirwaynihii faraca Waxaana shirwaynaha lagudoortay maamul cusub oo larajaynayo in ay noqdaan xubnihii hogaamin lahaa faraca mudada 12 da bilood ah ee soosocota hadii Alle idmo. Waxaana shirka kasoo qayb galay xubnaha faraca iyo Marti sharaf kala duwan.

Shirka oo furmay Abaarihii 2:00pm ayaa ugu horraynba lagu furay Aayado Qur,aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah Waxaana soojeediyay sheekh Maxamed rashaad oo ah gudoomiyaha Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia UCSO.

Intaa kadib waxaa laguda galay qaybihii kale ee shirka Waxaana warbixin dheer soo bandhigay maamulkii Hore ee faraca
Waxaana qaybtii dambe ee shirka lawareegtay gudida doorashada iyaga oo soo bandhigay qaabka waxloodooran doono Waxaana shirka lagu doortay maamulkii hogaaminlahaa faraca Sanada soo soosocota hadii Alle idmo.

Intaa kadib waxaa shirka hadalo kala duwan kasoo jeediyay masuuliyiin badan oo shirka Joogay oo isugu jiray martisharaftii kaladuwanayd iyo xubnaha faraca waxayna dhamaan kahadleen sidii loo hormarin lahaa halganka Ogadenia kasocda.

Ugudambayntii shirka ayaa kusoo dhamaaday guul iyo jawi wanaagsan wuxuuna shirkuna soo xidhmay abaarihii 4:30.

Abdullahi yare
ONA IFO DADAAB

image image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay