Debbie Wasserman Schultz, Guddoomiyaha Gudiga Xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay xilka iska casishay kadib markii Shabakada Wikileaks shaacisay Emailo laga xaday maamulka xisbiga Dimuquraadiga.

Xogta lashaaciyey ayaa waxaa ka muuqday in Guddoonka Xisbiga Dimuquraadiga uu si weyn uga soo horjeeday murashaxii Senator Bernie Sanders isla markaana ay si hoose gacan usiinayeen Murashaxad Hillary Clinton oo ku guuleysatay murashaxa rasmiga ah ee Dimuquraadiga, arrintan oo ka hor imaaneysa dhex dhexaadnimada guddoonka xisbiga.

Marar badan baa horey loo sheegayey in Debbie Wasserman Schultz aysan dhex dhexaad ahayn oo ay taageerayso Hillary Clinton cabashadaasi oo ka imaaneysay taageerayaasha Bernie Sanders ayaa hada muuqata inay ku cadahay emailada ay Wikileaks shaacisay. Wikileaks ayaa shaacinta emailadan kusoo beegtay maalin kahor shirweynaha Dimuquraadiga oo ka furmay magaalada Philadelphia.

Iscasilaada Debbie Wasserman Schultz ayaa loogu talagalay in lagu xaliyo inaan wax buuq iyo xiisad ah ay taageerayaasha Bernie Sanders ka ridin shirweynaha xisbiga ee kasocda Philadelphia.

Debbie Wasserman Schultz ayaan inteysan ku biirin guddoonka xisbiga Dimuquraadiga kamid ahayd shaqaalaha u shaqeeya Hillary Clinton, waxaana si weyn loogu xasuustaa qaabkii ay u maamushay doodii loo qabtay murashaxiinta xisbiga Dimuquraadiga oo ay ku beegi jirtay xiliyo aysan dad badan telefishinka daawan si ay uga hortagto in Murashaxa la tartamayey Hillary Clinton u helin fursad uu kusoo jiito dad dheeraad ah iyo waliba musuq maasuqida tirinta cododkii gobalada looga qaaday murashaxiinta xisbiga Dimuquraadiga, walow ay arrintaasi ay marar badan beenisay haweenayda hada iscasihay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay