Nin u dhashay dalka Suuriya ayaa isku qarxiyay magaalada Ansbach ee dalka Jarmalka, Axadii, ayaa sameeyay muuqaal (Video) uu balanqaadayo inuu xidhiidh la leeyahay hogaamiyaha kooxda lamagac baxday Dowladda Islaamiga ee ISIS, ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Gobolka Baveria.

Joachim Hermann, ayaa sheegay in laba telefoon, dhowr sim card iyo Laptop laga helay ninka 27- jirka gurigiisa iyo maydkiisa agtiisa. Ninka ayaa ku hanjabay video-ga inuu ka aargudanayo Jarmalka.

Ninka weerarka qaaday ayaa ku sheegay Video-ga “in Ilaahey dartii uu balanqaadayo inuu xidhiidh la leeyahay hogaamiyaha ISIS ee Abu Bakr al Baqdadi. Wuxuu ku dhawaaqay fal aargudasho ah oo looga soo horjeedo Jarmalka sababtoo ah Islaamka ayay hortaagan yihiin” ayuu sheegay wasiirka.

Ninkan oo ahaa Suuriyaan oo loo diiday in lasiiyo sharciga qaxootiga ayaa is qarxiyay isagoo dhaawacay 15 qof meel u dhow meel riwaayad ama bandhig faneed lagu qabananayay ee magaalada Ansbach. Ninkan ayaa watay boorso ay ka buuxaan waxyaalaha qarxa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bavaria, Joachim Herrmann, ayaa sheegay in ninkan oo 27-jir ahaa uu is qarxiyay kadib markii loo diiday inuu soo galo meesha lagu dhigayay riwaayada ama lagu tumayay muusiga. Ilaa 2,500 oo qof ayaa laga bixiyay goobta qaraxa kadib.

Bavaria ayaa aragtay weeraro istaba joog ah kadib markii weerar mindi ama toori ah lagu qaaday tareen Isniintii taasoo ay sheegteen kooxda la magac baxday ISIS. Qaraxa Ansbach, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay 22.10 PM ee habeenimo banaanka maqaayada Eugens Weinstube ee bartamaha magaalada.

Ansbach waxaa ku nool 40,000 oo qof, waxaana ku yaala saldhig milatari oo Maraykan ah. Bombka ayaa ku qarxay meel u dhow meesha laga soo galo Ansbach Open oo ah meel korka ka banaan oo muusiga lagu tumo.

Thomas Debinski, oo goob jooge ahaa ayaa sheegay jahawareer markii qaraxa dhacay, dadka qaar ayaa u malaynayay inay ahayd qarax gaas. “Ka dibna dadka ayaa soo agmaray oo sheegay inay ahayd boorsada dhabarka lagu qaato ayna qaraxday.” Saddex qof oo kamid ah dhaawaca ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac culus ayuu sheegay boliiska.

Ciidamada ammaanka ayaa xidhay bartamaha magaalada iyadoo dadka khubarada ku ah waxayaalaha qarxa ay baadhayaan nooca qaraxa bombka ee uu ninka isticmaalay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay