Ciidanka Amaanka ee ka hawlgala Waqooyiga Dalka Faransiiska waxa ay toogteen laba qof oo hubeysnaa oo dhowr qof ku qafaashay Kaniisad ku taalla magaalada Rouen. Wararka waxa ay sheegayaan in inta u dhaxeysa afar illaa lix qof lagu haystay Kaniisadda gudaheeda.

Booliska waxay sheegeen in mid kamid ah dadka la afduubtay oo ahaa baadari 92-sano jir ahaa ladilay. Qaar kamid ah dadka la afduubtay ayaa dhaawacmay, sida wararka qaar ay tilmaamayaan. Dableyda weerarka qaaday illaa iyo hadda lama ogaan.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ayaa booqday goobta uu weerarka ka dhacay. Dhacdadan waxay imaaneysaa iyadoo laba isbuuc kahor nin gaadhi xamuul ah waday uu dilay 84 qof oo ka qeybgalaysay mudaaharaad ka dhacayay magaalada Nice ee koofurta Faransiiska.

Wadanka Faransiiska ayay dhacdooyin noocan oo kale ah oo isdaba joog ah ay ka dhaceen bilihii lasoo dhaafay. Kooxo xidhiidh laleh ururka isku magacaabay Dawlada Islamka (ISIS) ayaa falal argagixiso oo khasaare badan gaystay ay ka gaysteen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay