Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 23-07-2016 shir aan caadi ahayn isugu yimid dhamaan Jaaliyada Somalida Ogadenya ee ku dhaqan magaalada Minnesota, halkaasoo lagaga hadlay waxyaabaha soo kordhay iyo warbixino gaar ah oo lala wadaagay xubnahii goobta fadhiyey ee kulankan kasoo qaybgalay.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan madaxda JWXO ee ka hawlgasha magaalada Minnesota iyo nawaaxigeeda. Ugu horeyn waxaa khudbad qiimo leh kasoo jeediyey mudane C/Naasir Xirsi (Gaani). Waxaa kaloo ka hadlay goobta xubno Gole-Dhexe ah sida Mudane Maxamud Nuur iyo Mudane Ibrahim Yuusuf Axmed (Amaadin), waxayna ka warbixiyen xaalada halganka Ogadenya.

Dhinaca kale waxay ugu baaqeen ummadda soomaaliyeed inay hagardaamada ka daayaan halkan ONLF wado ee lagu xoreynayo dhulka Ogaden. mida kale dabadhilifka u adeega gumeysiga waxay u sheegeen in wakhtigooddii dhamaaday lana gaadhay wakhtigii aan idhaha laga qabsadeen. ugu dambeyn shirka waxaa ka soo baxay baaq maqal iyo muuqaal ah.

IMG_5122 IMG_5122 IMG_5124 IMG_5127 IMG_5140 IMG_5136

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay