Sida saxaafadda xorta ah ba ay tabinaysay maalmihii ina soo dhaafay, waxay maleeshiyaad ku tiirsan qaar kamida qabaa’ilada Soomaaliyeed ee dega gobalada Hiiraan iyo Galguduud ee xadka laleh dalka Ogadeniya ay kula kaceen falal aad iyo aad looga caloolyoobo oo isugu jira dil, xadhig iyo ugacan galin ciidamada gumaysiga Itoobiya loo gacan galiyay masuuliyiin 7 ah oo ka tirsan Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadeniya ONLF-JWXO. halkaa waxay maleeshiyaadkan ka tirsan qaar kamida beelaha Soomaaliyeed iyo kuwa hawaarinta ee sida tooska ah uga tirsan ciidamada gumaysiga Ethiopia kudileen 3 naftoodhurayaal oo uu kamid yahay Hoggaanka Gaashaandigga JWXO, Naftiihure Sheekh Deeq Maxamed (AU dhamaan). Sidoo kale, waxaa iyagoo dhaawac ah nolol lagu qabtay 4ta naftoodhurayaal ee kale, halksaasoo maxaabiista iyo shuhadaba loo gacan galiyay ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Arrintani ugub ma aha, haseyeeshee, waxaa naxdin leh heerka liita ee damiir xumida, diin la’aanta iyo bini’aadan xumida iskugu jirta ee Soomaalidii horraan loo yaqiinay xor inay tahay ay usii degaan degtay. Iyadoo horraan ciidamada gumaysigu ay xassuqyo ba’an ugaysteen wadar ahaanba bulsho weynta soomaaliyeed sida kuwii Liyuu Police ay ku xasuuqeen rayidka Galguduud, Hiiraan iyo wiliba kii ugu danbeeyay ee degmada Gaashaamo ayaad moodaa inaysan jirin wax cashir ah oo laga bartay dhacdooyinkaas haba yaratee, balse ay u egtahay in lagu sii dhiiranyahay uhiilinta iyo iska gadidda gumaysiga isla mar ahaantaana loo heelanyahay dilka, xidhigga, gacangalinta iyo ka hiilinta gobanimadoonka Soomaaliyeed.

Wuxuu ururka Midawga Dhalinyarda & Ardayda Ogadeniya ee loo yaqaan OYSU uu qoraalkan ku cambaarayn dhamaan gacan ku dhiiglayaasha ka danbeeyay dilka iyo gacan galinta loo gaystay xubnaha iyo masuuliyiinta gobanimadoonka JWXO-ONLF. Sidoo kale, Wuxuu ururku cambaaraynayaa dhaamn cidwalba oo gacan ka gaysatay falalkan qabiixa ah ama ka qaybqaadatay soo maleegidda qorshan ama ku daawatay waddaniyiinta Soomaaliyeed in hortooda lagu dilo. Markale, wuxuu ururku cambaaraynayaa maleeshiyaad beeleedka iyo madaxda qabaa’ilada Soomaaliyeed ee dhansaarka la leh cidamada gumaysiga Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ururku cambaaraynayaa kuna tilmaami dullinimo inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dadnimadii, damiirkii iyo waddaniyaddii Soomaalinimo ka dhimatay ee hormarka uyaqaan gumaysigoo loo adeeggo.

Ururka OYSU wuxuu ugu baaqi dhamaan waddaniga Soomaaliyeed in la dhaleeceeyo gabood falada caynkan ah ee lagula kaco hadiyo jeer xubnaha iyo masuuliyiinta gobanimadoonka JWXO, waana in culimada iyo aqoonyahanka xorta ah ee soomaaliyeed si’ shuruud la’aan ah u cambaareeyaan falalkan, bulshadana ay ka wacyi galiyaan cawaaqib xumida ay leedahay danaha gumaysiga oo la fuliyo. Wuxuu ururku ugu baaqi dhamaan shacabka qiimiga badan ee gobanima doonka Soomaalida Ogadeniya in ay umuujiyaan garab istaag buuxa CWXO, lana muujiyo midnimo iyo waddaniyad hufan waqtigan adag ee halgankeenu marayo. Waa inaan loo ogolaanin nux-nux laha, daba-dhilifka iyo gumaysiguba inay ka faa’idaystaan dhacdadan xanuunka leh si wada jir ahna uga wada hortagnaa. Sidoo kale, inagoo og in siyaasadda JWXO ay ka mid tahay in qof Soomaaliyeed aanan loo gacan qaadin, hadana, ururku wuxuu ugu baaqi madaxda JWXO in tilaabo waafaqsan cadaaladda laga qaado dhamaan gacan kudhiiglayaasha iyo kuwii kula jiray qorshahan gumaysiga loogu kalkaalay.

Ururka OYSU wuxuu bogaadin dhamaan waddaniga iyo gobanimadoonka Soomaaliyeed ee muujiyay ka xumida falalkan, had iyo jeerna garab taagan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku hoosnool gumaysiga Itoobia. Wuxuu ururku bogaadin kani adeegga halgan ee uu muujiyay shacabka geesiga ah ee Soomaalida Ogadeniya ee maalin iyo habeen halganka hubaysan kula jira gumaysiga gaamuray ee waqtigiisu gabaabsiga gaadhay. Waxaa kale oo uu si qoto dheer leh uboogadin ururka OYSU hoggaaminta JWXO ee duruufaha adagi ku hareeraysanyihiin hadana dadaalka isdaba joogga ah ugu jira hirgalinta higsiga shacabka ee Xorriyadeed.

Mintid, Midnimo, Isku-tashi, Guul – Allaahu Akbar!

Midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadeniya (OYSU).

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay