Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ayaa sheegaya in ay halkaas kataagantahay xiisad aad uculus kadib markay xukuumada Wayaanuhu u dirtay Gobolkaas ciidamo aad ubadan oo loogeeyay in ay damiyaan waxa ay kumacneeyeen rabshado halkaas kasocda.

Sida xogtan aan kuhelayno xukuumada ayaa go’aansatay in ay ciidamo badan gobolkaas gayso kadib markay  banaanbaxyo aan kala joogsi lahayn halkaas hadheeyeen, ciidamada kumanaanka ah ee lagusoo daad gureeyay
meelo kamid ah dhulka Oromada ayaa laga cabsi qabaa in ay gaystaan xasuuq kasii badan midkii kasocday dhulka
Oromia.

Sida ay xogtan nagusoo gaadhay ciidanka gumaysiga ayaa lagu daadiyay Gobolada Arsi, Jimma, Shawa iyo galbeedka
Harargee, waxayna durba ciidanka gumaysigu bilaabeen howlgalo ay ugu magac dareen nabad kusoo dabaalid. Dhinaca kale Goboladan ay hada xiisadu ka aloosan tahay ayaa ah kuwii ugu daganaa mudadii 9ka bilood ahayd ee ay socdeen mudaharaadadii lagaga soo horjeeday xukuumada kali taliska ah ee TPLF, sidoo kale kacdoonka horta leh ee goboladan kabilowday ayaa muujinaya sida ay shacabka Oromadu mid qudh ah uyihiin.

Si kastaba ha ahaatee aqoonyahanka udhashay qoomiyada Oromada ayaa kawalaacsan fafalka ay ciidanka wayaanuhu kasamayn doonaan gobolada loo daad gureeyay sidii iyagoo dowlad kale ladagaalamaya waxayna
muujinaysaa dhacdadanu tabar yarida xukuumada wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay