Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in Xil-Dhibaan horey oo lagu magacaabo Saalax Badbaado oo kamid ahaan jiray  Xildhibaanadii Baarlamaanka KMG uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay aga-gaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.

Warkan ayaa sheegaya in kahor inta uusan isqarxin Saalax Badbaado uu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedadaa uu u socdo cod laga duubay isagoo dar-daaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada ururka Al-Shabaab.

Saalax Nuur Ismaaciil oo ku magac dheer Badbaado ayaa kasoo jeeday Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxa uuna sanadkii 2010-ka uu ka goostay baarlamaanaka isagoo ku biray shabaab kuna tilmaamay Xildhibaanada uu kamidka ahaa kuwo gaalo ah. Waa markii ugu horeysay oo shaqsi ka tirsanaan jiray baarlamaanka Soomaaliya uu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo magaalada Muqdisho.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay