Xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa si rasmi ah u magacaabay in xog-hayihii hore ee Arrimaha Dibadda Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxtinnimo ee xisbigaasi u matali doona doorashada madaxtinnimo ee sanadkan ka dhici doonta Mareykanka.

Iyadoo la muujinayay midnimo xooggan oo xisbiga dhexdiisa ah, ayaa fiidkii Talaadada, waxa senator-ka Vermont Bernie Sanders, oo Hillary kula tartamey doorashada xisbiga dhexdiisa aheyd,waxa uu ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka lamarayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo oo si toos ah Hillary loo magacaabo.

Waxay aheyd taageero lamid ah tii ay Clinton sameysay 8 sano ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay u ayiddo taageerana ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is reebreebka kaga soo adkaaday xisibiga dhexdiisa.

Seygeeda Bill Clinton, ayaa sidoo kale madasha ka hadlay, isagoo sheegay sababaha ay tahay in Hillary bisha November ee soo socota loogu codeeyo inay noqoto madaxweynaha Mareykanka. Clinton, ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee musharax u noqota mid kamid ah xisbiyada waaweyn ee taariikhda Mareykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay