Sanadihii lasoo dhaafay wuxuu Gumaysiga Itoobiya xooga saaray in uu shaaciyo qorshe markiisii horaba fashil ku bilawday oo ku wajahan beesha caalamka iyo waliba shacabka Somaliyeed meel kastaba ha joogee, gaar ahaan shacabka Somalida Ogadenya ee ku dhaqan Qurbaha, kuwaasoo Gumaysiga dartii wadanka uga cararay.

Qorshahan uu Gumaysigu soo dhoob dhoobay ayaa waxaa looga gollahaa in lagu marin habaabiyo dadkan aan sida hoose ula soconin xaqiiqda dhabta ah ee kajirta wadanka Ogadenya isla markaana in lagu mashquuliyo shacabka Somalida Ogadenya ee wadanka Gudihiisa ku dhaqan horumar mala-awaal ah oon waxba kasoo naaso cadayn balse hafaryo iyo hagardaamo badheedh ah ku salaysan.

Xogta dhabta ah ee kajirta wadanka Ogadenya ayaa fajac iyo amakaak kunoqotay qof kastoo damiir iyo dareen banii’aadmino leh, shacabka Somalida Ogadenya ayaa waxay ku nool yihiin nolol aad u hoosaysa oo qarnigan 21-aad aysan jirin shacab ku nool dunidan casriga ah een maanta joogno.

Hagardaamada iyo dhibaatooyinka kala duwan ee Woyaanuhu kuhayo shacabka Somalida Ogadenya ayaa taariikhda madoow meel aan qarsoomi karin kagalay. Gumaysiga oo adeegsanaya kuwo diir ahaan Somali sheegta laakiin u taagan hadh iyo habeenba fulinta qorshahan guracan ee Gumaysiga Itoobiya ayaa doonaya inay ku mashquuliyaan shacabka Somaliyeed inay horumar haystaan taasoo aysan waxba kajirin balse hafaryo iyo khayaal aan waxba kajirin ah.

Hadaba sawirkan hoose oo laga soo diray Ogadenya ayaad ka dheehan kartaan xaqiiqda dhabta ah iyo horumarka uu gumaysigu sheegayo in Ogadenya laga gaadhay nooca uu yaha ee nala daawada.

Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay