Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis
Ababa ee caasimada Gumaysiga ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada sirdoonka ee
wayaanaha uu soo food saaray khal khal kusaabsan nolashiisa oo uu
ufahmay in ay khatar kujirto, sida aan xogtan kuhelay  Getajow Asafa ayaa sawir laga
qaaday isagoo ka soo  baxaya shir albaabadu u
xidhnaayeen oo uu kula jiray qaar katirsan hogaaminta ciidanka sirdoonka
waxaana sawirkan qaaday askari katirsan ciidamada sirdoonka ee
gumaysiga Itoobiya.

Sida warku nagu soo gaadhay ninkii sawirka
qaaday ayaa si dhakhso ah looga qaaday telkii uu sawirka kuqaaday halka
isagiina loodhaadhiciyay xabsi aan la ogayn halka uu kuyaalo, wax rajo
ahna lagama qabo in dib loo arko askarigii sawirka qaaday marka la eego
dhaqanka  Getajow Asafe.

Dhinaca kale waxaa baadhitaan xoogan lagu
sameeyay telphone kii lagu qaaday sawirka Getajow iyo meesha loodiray
sawirkii uu qaaday askarigii waxaase baadhitaankii lagu ogaaday in
sawiro laga diray telka uu askarigu watay, balse waxaa lagaran
waayay halka loodiray sawirkii.

Sidoo kale Getajow ayaa isagu sheegay in
uu aamin sanyahay in sawirkiisa loodiray ururada mucaaradka ah si ay
uwaji bartaan una khaarajiyaan, wuxuuna ku andacooday in
sawirkiisa loo gacan galiyay dad uu kusheegay isaga cadawgiisa.

Dhinaca kale waxaa yar sawirada laga hayo
dhagar qabe Getajow halka intii laga hayayna dib looga uruuriyo
kunbuyuutarada si aan loo aqoonsanin wajigiisa, tani ayaa ah riyo aan
soojeed sal kulahayn waxayna mucaaradka iyo muxaafid kuba heli
karaan sawirkiisa si kasta oo uu u ilaaliyaba.

Sikastaba ha ahaatee khalkhalka Itoobiya ayaa
gaadhay meel aan kasoo noqosho lahayn wuxuuna ninkii sirta wadanka loo
xilsaaray kumashquulay in uu ilaaliyo naftiisa taas oo uu kusheegay in
uubadan yahay cadawgeedu.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay