Ugu horeyn Ilaahaybaa wax dila waxna nooleeya, qof walbana intuu dunida dul joogayo horuu Ilaahay u qadaray. Siduu u dhiman iyo halkuu ku dhimana Ilaahay moyee cid kaloo ogsoon ma jirto (ولا تدري نفس بأي أرض تموت ). Geeri naxdin leh oo dhamaan Ogadenya laga dareemay ayaa na gadhay, inkastoo cadawga siduu doonayay oo ahayd inuu dadweynaha ku niyad jabiyo aanay ugu hirgalin. Dadaweynaha Ogadenya kuwa gudaha gaar ahaan waxay kasbeen aqoon halganeed iyo waaya-aragnimo mudaduu halganka socday, waxayna aamineen inay sharaftooda u jirto dhiiga halgamaaga uu daadinayo. Inkastoo aad looga xumaaday dambiga foosha xun ee laga galay ururka iyo guud ahaan halganka shacabka Somaliyeed ee Ogadenya, waxaa shacabka deeqay oo si fiican looga soo dhaweeyay Ogadenya intaan kala sheekaystay bayaankay soo saareen Gudiga Fulinta ee ONLF. Waxaa si gaar ah loo soo dhaweeyey go’aanka uu gaadhay ururka ee ah in talaabo laga qaado Ayda uu gumaysiga adeegsanayo. Goobta iyo Goorta waa mid aan loo baahnayn in la xadido, hasa ahaatee waa in aanay noqonin Dakanada laga galo Halganka iyo Halgamaaga Mid Duugowda Waqti Kastoy Qaadato. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu darajada ugu sareysa gaadhsiiyo shuhadada Ogadenya. Hadaan intaa kaga gudbo;

Somali waxay maanta mareysaa heerkii ugu xumaa oy gaadho umad dunida ku nool oo Qaran Xor (Sovereign Nation) ah ahaan jirtay. Mana ah heer ay filayeen ama ay sii saadaaliyeen culumada cilmiga siyaasadda darsa inay Somali gaadhi doonto heerkan. Waxaa loo arkayay dawladii ka dhalatay Somaliya markay dalal badan oo Afrika ah xoriyadooda qaateen 1960-gii oo ahaa sanadkii Afrika, inay yihiin Somalida shacaba kowaad ee ka badbaadi doona dalalka Afrika burbur iyo dagaal sokeeye, maadaama ay yihiin shacabka kali ah ee dhan walba ka midaysan. Way adagtahay Afrikada madow inaad aragto qabiil aan lahayn luqad u gaar ah, dhaqan u gaar ah iyo diin u gaar ahoo ay haysteen intaan loo keenin saliibka (Chiristianity). Somalida oo ka mid ah dalalka joqoraafi ahaan ugu waaweyn Afrika, dhulmareenadii ree Yurub ee sahminta u dhex socday Afrika waxay la yaabeen dadka Somalida oo ah qabiilo ka midaysan af, dhaqan, diin , taariih iyo xidhiidh sokeeyenimo intaba oo daga dal balaadhan oo ishaysta. Sidaa darteed, dagaalkii sokeeye iyo burburkii qaranimadii Somaliya lama filaynin inay sii daba dheeraato. Siyaasi ka qayb galay shirarkii Somalida lagu heshiisiinayay ayaa yidhi; “Ilaa iyo hadda ma fahmin waxay isku haystaan Somalida. Inta shirka la fadhiyo waxaad moodi dad ay colaad ka dhaxayso, marka shirka laga soo dareerana waxaad arki iyagoo wada haasaawaya oo kaftamaya oo hal meel wax ku wada cunaya”.  Colaada iyo xasilooni darada ka jirta Somaliya ma’aha mid raad la raaco leh si loosoo afjaro. Waa mid Maalin Abuur ah, taasoo macnaheedu yahay in la abuuro mushkilad hor leh markii la xaliyo mushkiladii hore. Hadaad u fiirsato hawlaha dibu heshiisiinta Somalida ama dhismaha maamul goboleedyada ama qaybsiga xubnaha baarlamaanka iyo wasiirada, waxaad arkaysaa maalin walba mushkilad horleh oon la garanaynin sababta keentay lana doonayn inay dhamaad yeelato. Arintaa waxaad moodaa hadda inay umadda Somaliyeed ogaatay hadda inay Itobiya tahay cidda fulinaysa oo mushkiladaha aan dhamaadka lahayn ee maalinlaha ah abuuraysa.

Dhibaatada loo gaystay ONLF ee loo adeegsaday maleeshiyo beeleedka Hiiraan iyo Galmudug, dad badan oon kala sheekaystay waxay aaminsan yihiin inay salka ku hayso xadka u dhaxeeya Ogadenya iyo Somaliya in laga abuuro mushkilad taagan, si colaada dhextaala dadka Somaliyeed loo sii balaadhiyo. Gumaysiga midaa ayuu ku talagalay, hasa ahaatee, waxaad moodaa inay dhacdadan gaar ahaan kicisay Somali badan oo moogaa qadiyadda Ogadenya iyo halganka ka socda halkaa oo meela badan laga hadal hayo (Social Media) waxmagaradka uu gumaysiga ku adeeganayo. Fiiri:


Diblomaasi Somaliyeed ayaa igu yidhi xaaladda Somaliya waa Istixmaar ee ma’aha Isticmaar – (إستحمار و ليس إستعمار  ). Somaalidii lagu yaqiinay isla weynida waxay maanta ugu adeegayaan Itobiya sida dameerka uu hayinka ugu yahay rarka, culays kastoo la saaro. Miyaanay dhaboobin digniintii Sayid Maxamad markuu yidhi;

  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  •  Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  •  Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine

Haday Somali fahmi lahaayeen dardaaranka iyo tusaaleynta uu Sayid Maxamad uga tagay waxaa hubaal ah in aanay u noqdeen dameero ay rartaan gumaysi midkii ugu liitay caalamka. Waase Taariikh qormaysa.

Aagaga ay Somalidu baneeyeen oo Itobiya ay kaligeed ka muuqato kuma koobna oo kali ah difaaca xuduudaha oo inkastoon laga wada sudhin calanka Itobiya labada daanba, aad arkayso hadana in itobiya laga difaacayo labada dhanba. Aaggaa ay Somalidu baneyeen oo ah meesha ugu dambaysa ee laga aasi doono waa Siyaasadda dibadda iyo diblomaasiyada. Looltanka ONLF iyo Itobiya ku dhex mara maxfaladda caalamka (International arena) maxaad ka ogatahay. La socda.

Noora Afagaab/Jigjiga

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay