Madaxweyne Barack Obama ayaa khudbad qiiro leh oo lagu taageerayo murashaxa xisbiga Dimuquraadiga Mrs. Hillary Clinton kasoo jeediyey shirweynaha xisbigaasi ee ka socda magaalada Philadelphia.

Obama ayaa khudbadan soo jiidatay dadweynaha iyo ergada shirkaasi ku sugan ayaa ka hadlay kartida Hillary Clinton iyo khibrada ay uleedahay dhanka maamulka iyo hogaaminta. Barack Obama ayaa ka hadlay khatarta ay leedahay in xilka Madaxweynaha loo doorto shaqsiyaad sida murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay taageeradooda lagarab istaagaan Hillary Clinton.

Obama ayaa meesha ka saaray cabsi gelinta ka imaaneysa dhanka xisbiga Mucaaridka ah ee Jamhuuriga, isagoo sheegay in dalka Maraykanka uu yahay wadan horumaray kuna taagan iskaashiga shacabka Maraykanka oo ka kala yimid dhamaan daafaha caalamka, kala duwanaansha shacabka Maraykanka ayuu sheegay inay tahay midda Maraykanka ka dhigtay dalka ugu horumarsan caalamka.

Wuxuuna sheegay in dhankiisa uu wax badan qabtay inta dhimana uu aaminsan yahay inay dhameystiri doonto Hillary Clinton oo xiligan ah murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga Dimuquraadiga.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay