Waxaa ka dhacay Caasimada Wadanka Yamen ee Sanca Shirkii todobaad laha ahaa ee ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenia ee  OYSU , waxaana lagu qabtay guriga umadda ee Somalida Ogadeniya ee wadanka Yemen caasimadiisa Sanca.

Waxaa shirkan lagu fur furay sidii caadada inoo ahayd aayado Quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana Soo jeediyay Sheik Cabdulrashid oo ka hadlayay xuska alle iyo Jihaadka xaqa ah ee kasocda Wadanka Ogadenia.

Waxaa intaas kadib lagu wareejiyay makarafoonka xoghayaha midawga dhalinyarada iyo ardayda OYSU ee Yemen Mudane Axmednuur Mohamed, Xoghayaha waxuu ka hadlay xaalada uu marayo Halganka wadanka Ogadeniya sidoo kale burburka iyo kala guurka ay ku jiraan Itoobiya oo gabalkeedu sii dhacayo.

Sidoo kale Halgame Axmadnuur ayaa ku booriyay dhamaan xubnahii shirka kasoo qayb galay in kor loo sii qaado dadaalka dheer ee loogu jiro ka xoraynta cadawga dhulka Ogadenia iyo sidoo kale in la laban laabo dhamaan hawlaha halganka,

Shirka waxaa kaloo kala qayb qaatay OYSU hogaanka abaabulka Jaaliyada Yemen Mudane axmed nour cali yusuf oo sidoo kale ka hadlay arimo fara badan oo ku saabsan xaalada lagu jiro in la iska biyo raaciyo Gumaysiga kusoo duulay wadanka ogadeniya iyo kor u qaadista tayada midawga dhalinyarada iyo ardayda ogadenia oo beri xornimada marka laqaato noqon doona kuwa ka shaqayn doona wadanka inay wax bartaan hadda oo ay dadaal ku bixiyaan

Wax waliba oo hormarin karo halganka xaqa ah ee lagu la jiro Itoobiya, sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay xubno kaloo si xamaasadeesan uga hadlay shirka. Shirku waxuu kusoo gaba gaboobay jawi aad iyo aad u dagan. Waxaana Hoosta Laga Xariiqay Qodobo muhiima

 

Guul iyo Gobonimo inshaa allaaah

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay