Xarunta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu ku leeyahay magaalada New York ayaa waxaa ka dhacay shir looga hadlayay xasiloonida iyo nabadgaliyada dalal dhowr ah oo ku yaala qaaradda Africa iyo sidii loo xoojin lahaa dhismaha nabadda ee dalalkaas oo la rumaysan yahay inuusan amnigoodu sugnayn.

Dalalka laga hadlay ee kulankan lagu soo qaatay waxaa kamid ahaa wadamada kala ah Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo iyo dalka Soomaaliya. Shirkaasi waxaa dadkii sida gaarka ah uga hadlay kamid aheyd, Danjire Samantha Power oo ah Danjiraha dalka Mareykanka ee u fadhida Qaramada Midoobay.

Dalka Somaliya ayaa waxaa ka dhacay bilihii lasoo dhaafay qaraxyo khasaare gaystay oo lala beegsaday Hotello, Xarumaha AMISOM iyo Qaramada midoobay ay ku leedahay dalka Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay