Nin muhaajir muslim ah ayaa shirkii Dimoqraadiga ee magaalada Philadelphia lagu soo geba gebeeyey ka jeediyey khudbad dad badan ay ugu yeedheen inay ahayd tii ugu qiiradda badneyd ee mudooyinkii lasoo dhaafay ay dhagohoodu maqlaan, taasoo dad badan dareenkooda dhaqaajisay aadna u saamaysay.

Muhaajirkan oo lagu magacaabo Khizr Khan, oo ah abaaha askari Mareykan ah oo geeriyooday ayaa si aad ah u dhalleeceeyey musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, isagoo weydiiyey Mr. Trump inuu waligii ma aqriyay dastuurka u yaala dalka Mareykanka iyo inkale?

Wiilkan geeriyooday ee Mr.Khan uu dhalay oo lagu magacaabi jiray, Kabtan Humayun Khan, ayaa dalka Mareykanka uga soo haajiray dalka Isku-Tagga Imaaraadka Carabta (UAE) isagoo yar, ayaa sanaddii 2004 ku geeriyooday dagaalkii Ciraq ee Saddam Xuseen Xilka lagaga tuuray. Waxa uu ahaa Humayun Khan wakhtigaas 27-jir.

“Hillary Clinton way saxsaneyd markii ay wiilkeyga ugu yeedhay inuu ahaa Wanaagga uu Mareykanka leeyahay. Haddii uu ahaan lahaa Trump, wiilkeyga weligiis ma yimaadeen dalka Mareykanka” ayuu yidhi aabahan. Mr. Khan oo ay garab taagneyd xaaskiisa ayaa sheegay inuu Mareykanka yimid isagoon waxba haysan, hase yeeshee hada ay xor u yihiin inay raacaan riyada shacabka Mareykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay