Maanta oo Jimce ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 29/7/16 waxaa magaalada Pretoria ee xarunta wadanka S. Africa kadhacay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan xubnaha Jaaliyada Somalida Ogadenia ee kahowl gala magaalada Pretoria iyo nawaaxigeeda, shirkan oo ahaa shirkii caadiga ahaa ee Jaaliyada JOKA ayaa maanta lahaa ahmiyad gooni ah, waxayna xubnihii shirka kasoo qayb galay dhamaantood muujiyeen shucuur wadaniyadeed oo aad ubadan in laqiyaasana ay adkayd.

Ugu horaynba shirka ayaa sidii caadiga ahaydba lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah waxaana isla furitaankiiba khud bad diiran madasha kasoo jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada JOKA Halgame Faysal Cabdi Naasir wuxuuna gudoomiyuhu ku nuux nuuxsaday saamaynta Halganka Ogadenia uu ku yeeshay Geeska Africa, wuxuuna tilmaamay sababta ay Itoobiya Geeska Africa daganaanshaha ugu diiday in uu yahay halganka hubaysan ee Ogadenia kajira, wuxuuna gudoomiyuhu Itoobiya ku tilmaamay neef gowracan geedo kama gudo.

Sidoo kale gudida faraca ayaa xubnaha u akhriyay qodobadii laysku raacay kal fadhigii Gudiga Dhexe ee Jaaliyada Ogadenia oo dhacay 22-24/7/16 waxayna gudidu xubnaha jaaliyada kahaqab tireen warbixino badan oo ay tabayeen.

Dhinaca kale xubnihii kulanka maanta soo xaadiray ayaa wacad kumaray in ay sii labanlaabi doonaan taageerada dhinac kasta ah ee ay halganka uhayaan waxayna sheegeen in aysan ku niyad jabaynin falalka arxandarrada ah ee gumaysigu ugaysanayo Shacabka Soomaalida Ogadenia.

Sidoo kale xubnihii shirka kahadlay ayaa shacabka Soomaalida Ogadenia gude iyo dibadba ugu baaqay in ay u istaagaan sidii loo hanan lahaa gobonimada ay shacabku mudada dheer kuraad taagnaayeen waxayna sheegeen sida kaliya ee geedka wayn ee gobonimada lagu hadhsan karo in ay tahay dhiiga wadaniga oo lahuro iyo dhibka oo loo adkaysto.

Guntii iyo gunaanadkii kulankii maanta oo ahaa mid ahmiyad gaar ah leh ayaa tacsi loogu diray shacabka S.ogadenia gude iyo dibadba dhibka ay ciidamada gumaysigu kuhayaan shacabka ree Ogadenia waxayna xubnihii madasha fadhiyay isku balan sadeen in ay sare uqaadaan kaalinta ay halganka kahayaan.

ONA South Africa.

image image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay